Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Nin lugu haysto dembi dagaal oo maxkamadda la soo taagi doono

La daabacay onsdag 11 januari kl 10.33
Qareenka ninka:"Khalad ma galin"
(1:39 min)
Buuga sharciga Iswiidhan.
Buuga sharciga Iswiidhan. sawir: Bertil Ericson / TT

Maanta ayaa la bilaabaya kiis maxkamadeed halka uu nin u dhashay waddanka Suuriya hasayeeshe hadda Iswiidhan ku nool dembi dagaal ah ka galay Suuriya waagi uu halkaas ku noola.

Taas oo ah in uu ka qeeyb qaatay toogasho lugu toogtay todoba askari oo ay dawladda Suuriya hore dil ugu xukuntay.

Booliska Iswiidhan ayaa ogaaday dembiga uu ninkani galay ka dib uu wageeys mareeykan ah daabacay filin cadeeynaya in u ka qeeyb galay dilka todobada askari.

-Maaha markii ugu horreeysay aan cadeeyn noocan oo kale ah ka hayno dadka aan ka shakisanahay. Sidaas ayey sheegtay Patricia Rakic Arle madax-laameed guddiga ka hor-tagga falalka dembiyada dagaalka ee hayad-qarameedka magaceeda loo soo gaabiyo NOA.

Dembiyada noocan oo kale ah ayaa wakhti dheer ku qaata heeyadan, hasayeeshe ayey sheegtay Arle in baadhitaankan islamarkiiba la bilaabay. Ninkan ayuu boolisku qabtay bishii mars sannadkii hore. Dacwada waxaa lugu soo oogay bishii hore ee diseembar.

Thomas Olsson qareenka ninkan ayaa fikirka maxkamadan qeeybsaneeyn.

-Askartan hore ayey dawladda Suuriya ku xukuntay in la dilo. Macaamilkeeygu dembi ma gelin, ayuu sheegay Thomas Olsson.

 

Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min spellista".