Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Reer ku talo jira inuu geel ku dhaqdo cimilada Sweden

La daabacay tisdag 14 februari kl 04.05
Siyaabo kala duwan ayaa geela loo isticmaali karaa
(1:45 min)
Neef geel ah.
Neef geel ah oo nooca halka tuurta leh (Trumedar) loo yaqaanno. sawir: JAN COLLSIÖÖ

Mommo Deeq iyo Cia Embretsén ayaa ku talo jira iney yeeshaan beer geela lagu xanaaneeyo oo ey ka abuuraan meel aan ka dheereerayn hooyga ey ku nool yihiin oo ku yaala nawaaxiga Brusbro oo dhacda magaalada Falun.

Qorshahan ayaa si kaftan ah ku biloowday, hase yeeshee iminka u eg mid dhaboobi doona. Mommo Deeq iyo Cia Embretsén ayay u suurtagashay iney xiriir la sameeyaan shakhsi ku dhaqan dalka Sweden ee ka baayacmushtara geela noociisa loo yaqaanno ”Trumedar nooca tuurta keliya leh”, iyagoona rajeeyneya in ugu dambeeyn xilliga kuleeylaha ee foodda innagu soo haya uu soo gaaro goobtii uu ku noolaan lahaa ee nawaaxiga Brusbro.

– Geela ayaa loo isticmaali karaa siyaabo kala duwan, rakaab ayaa laga dhigan karaa, sidoo kale waa la maali karaa, sida ay sheegtay Cia Embretsén.

Haddii fikirka abuurista beerta geela uu suurtagal noqdo ayaa lagu talo jiraa sidii loogu soo jiidan lahaa dal-xiiseyaasha iyo sidoo kale in caanaha geelana laga faa’iido.

– Caanaha geela ayaa leh manaafacaad haddii loo barbar-dhigo caanaha lo’da, sida ay sheegtay Cia Embretsén.

Inkasta oo geela lala xiriiriyo cimilada kulul iyo lama-degaannada ayuu Mommo Deeq aamin-san yahay inuu geelu ka heli doono cimilada qabow ee Sweden.

– Geelu ma jecla qoyaanka, hase yeeshee kolka cimilada laga hadleyo wuxuu u adkeey-san karaa illaa 30 digrii oo qabow ah, sida uu sheegay.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".