Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xisbiyada Iswiidhan oo wada gaarey heshiis ciidamada la xiriira

La daabacay måndag 13 mars kl 10.02
Ciidamada oo miisaniyaddooda 500 oo malyan lagu siyaadiyey
(2:01 min)
Qaar ka mid ah xisbiyada oo heshiis wada gaadhay.
Qaar ka mid ah xisbiyada oo heshiis wada gaadhay. sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Xisbiyada dalkaan Sweden ayaa si wadajir ah waxay  ugu heshiiyeen sharci cusub oo la xirrira sharciga difaaca iyo ciidamada xooga dalka Iswiidhan ee sanooyinka soo socda.

Maanta oo isniin ah ayaa waxaa shir jaraa’id oo ay arrinkaas ku soo bandhigayaan wada qaban doona xisbiyada Sooshaldemoqoraadi-ga , Miljöparti-ga , Modaraad-ka , Center-ka iyo Kristidemoqoraadi-ga.

Talliyaha ciidamada xooga dalka Sweden Michael Byden ayaa laba usbuuc ka hor wuxuu soo bandhigey miisaaniyadda ciidamada ee sannadka 2018 , wuxuuna taliyuhu sheegey in ciidamada dalkaani u baahan yihiin kharashaad dheeraad ah si ay si hufan ugu gutaan hawlaha hor yaala ee la xiriira difaaca dalkaan Iswiidhan.

Taliyaha ciidamada Michael Byden ayaa soo dhaweeyey go’aanka ay xisbiyada dalkaan badankoodu ay maanta wada gaareen, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Waa wax wanaagsan in siyaasiyiinta dalkaani muujiyeen sida ay arrinkaas diyaarka ugu yihiin, talaabadaas ay qaadeena waa mid aan soo dhaweynayo, ayuu yiri Taliyaha ciidamada Michael Byden.

Xisbiyada S, MP, M, C iyo KD ayaa isku raacey in sanadkaan lagu siyaadiyo miisaaniyadda ciidamada dalkaan lacag dhan 500 oo milyan oo karoon.

Taliyaha ciidamada Sweden Michael Byden ayaa horey u sheegey in ciidamadu u baahan yihiin lacag dhan 6,5 milyaarder oo karoon ilaa iyo sanadka 2020-ka.

Wasiirka gaashaandhigga Peter Hultqvist ayaa sheegey in siyaadintaan ciidamada loo siyaadiyey miisaaniyaddu fariin xoog leh u direyso dadka reer Iswiidhan, ciidamada iyo waliba dalalka nagu xeersan, ayuu yiri Wasiirka gaashaandhiggu Peter Hultqvist.

Lacagtaas ciidamada loogu siyaadiyey miisaaniyaddooda ayaa waxaa lagu qaban doonaa in lagu xoojiyo ciidamada iyo arrimaha difaaca bulshada taas oo ay ku jirto ka hortagga weerarada dhanka aaladda internet-ka ah iyo isku dayada aan sharciga aheyn ee la rabo in raad loogu yeesho bulshada ku dhaqan dalkaan Iswiidhan.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".