Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Gabdhaha oo shaqa la’aantu ku yar tahay marka wiilasha la barbardhigo

La daabacay måndag 13 mars kl 10.38
Gabdhaha oo waxbarta in ka badan wiilasha
(1:39 min)
Shaqo l´aanta oo soo yaraatay.
Shaqo l´aanta oo soo yaraatay. sawir: Henrik Montgomery/TT

Warbixintii ugu dambeeysey ee shaqa la’aanta dalkaan ayaa muujineysa in hoos u dhac ku yimid balse weli ragga dhallinyarada ah ayaa waxaa adag in ay shaqooyin helaan marka la barbardhigo gabdhaha dhallinyarada ah.

Annika Sunden oo ah madax waaxeed ka hawlgasha xafiiska shaqada dalkaan ayaa sheegtey:

-Shaqa la’aanta dhallinyaradu hoos ayey u dhaceysaa, laakiin waxaa jira farqi weyn oo u dhexeeya wiilasha iyo gabdhaha. Gabdhaha dhallinyarada ah ayaa shaqa la’aantu ku yar tahay marka la barbardhigo wiilasha dhiggooda ah.

Dhallinyarada da’doodu u dhaxeyso 18 jir ilaa iyo 24 jir ayaa ayaa 8,6 boqolkiiba gabdhaha da’daas jiraa shaqa la’aan yihiin meesha boqolkiiba 13,6 ay shaqa la’aan yihiin wiilasha dhallinyarada ah ee da’daas u dhexeeya.

378 000 oo qof ayaa shaqa la’aan ahaa dhammaadkii bishii febraayo, taas oo ilaa 3 000 oo qof ka yar isla xilligaas sanadkii hore.

Qiyaastii dhammaan shaqooyinka suuqa shaqada ayaa waxay ku xiran yihiin in qofka shaqadaas soo dalbanayaa uu ugu yaraan leeyahay waxbarasho heer dugsi sare ah, gabdhaha dhallinyarada ah ayaa waxbarta in ka badan inta ay dhallinyarada ragga ahi ay waxbarato , taasina waa tan sababta u ah in gabdhuhu shaqooyin helaan in ka badan wiilasha dhallinyarada ah.

Badanaa dadka hadda shaqa la’aanta isaga diiwaan galiya xafiiska shaqada dalkaan ayaa u badan dhallinyaro rag ah oo dhawaanahaan sharciyada dalkaan heley.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".