Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Denmark oo gacanta ku dhigay nin dilkii Kista lagu tuhunsan yahay

La daabacay måndag 13 mars kl 12.53
Goobii uu dilku ka dhacay 8-dii maarso 2017.
Goobii uu dilku ka dhacay 8-dii maarso 2017. sawir: Pontus Lundahl/TT

Nin da’diisa lagu qiyaasay soddomeeyo ayaa loo qabtay inuu gacan ku lahaa dilkii ka dhacay xaafadda Kista oo dhacda waqooyi galbeed ee magaalada Stockholm, sida boliiska laga soo xigtay.

Ninkan ayaa baadi-goob loogu jiray laga soo bilaabo 11-kii maarso, isagoona habeen-nimadii isniintu soo galeeysay lagu qabtaylagu qabtay dalka Danmark.

30-jirka ayaa dib logu soo celin doonaa dalka Stockholm si wareeysi loola yeesho.

-Waxaa baaris lagu sameeyn doonaa gacanta uu ku lahaa dilka Kista ka dhacay, inu yahay cidda gacanta ku lahayd iyo in kale,

Ciidanka ammaanka ayaa ka aabsaday inuu ka faalloodo habka qabashada ninkani u dhacday iyo cidda uu yahay.

-Maadaama aannu ku dhex jirno bilowgii dembi-baarista iyo sidii aannu u caddeeyn laheyn tallaabo walba siday u dhacday oo qiime ugu fadhida baarista iyo sidii aannu su’aalaha ku habboon u hor-dhigi laheyn, sida uu sheegay Kjell Lindgren.

8-dii bisha maarso ayaa laban in lagu xabadeeyey faras-magaalaha xaafadda Kista. Dabadeedna dhaawacoodii isbitaal loola cararey, halkaasina oo ey ku geeriyoodeen dabadeed.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".