Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muwaadin iswiidhish la tuhunsan yahay in la afduubtay

La daabacay måndag 13 mars kl 13.50
Dad bannaan-bax ka soo cararaya.
Nin ka soo cararaya bannaan-bax lagu soo xooray gaaska dadka kaga ilmeeya. sawir: John bompengo

Muwaadin iswiidhish ah oo hayadda caalamia QM uga how-gelayay dalka Koongo Kinshaasa oo loogu jiraa baadi-goob.

Wasaaradda arrimmaha dibadda Sweden ayaa lagu war-geliyay ammuurtaa, hase yeeshee ka gaabsatay inay faahfaahin ka bixiso inuu la xiriiro af-duub. Wasaaradda ayaa sidoo kale ka gaabsatay inay caddeeyso inay haweenay tahay iyo in kale, sida uu qoraal ku sheegay war-geeyska Expressen ama howsha ay carrigaasi ka haysay.

Xaaladdan ayaa ah mid xasaasiyad leh, iyadoona ey gacanta kula jiraan hayado dhowr ah, sida laga soo xigtay waaxda saxaafadda ee wasaaradda arrimmaha dibadda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".