Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaqaale la’aan ka jirta ruugaha Kansarka lagu daaweeyo

La daabacay tisdag 14 mars kl 10.31
Rugaha Kansarka lagu daaweeyo oo la' shaqaale carbisan
(1:28 min)
Shaqaalaha ka shaqeeya qeeybta lagu daaweeyo cudurka kansarka oo yar.
Shaqaalaha ka shaqeeya qeeybta lagu daaweeyo cudurka kansarka oo yar. sawir: Matt Rourke

Ilaa iyo 21 maamulada caafimaadka gobolada ah ayaa waxaa maamul ahaan laga joojin doonaa rugo caafimaad oo si hufan u shaqeynayey.

Kuwaas oo lagu daaweeyo cudurada Kansarka, waxaana taas badalkeeda goobahaas laga maamuli doonaa xarun dhexe oo heer qaran ah, sidaasna waxaa qorey wargeyska Dagens Nyheter.

Ulrika Årehed oo ah xoghayaha guud ee hey’adda Canserfonden, ayaa waxay tiri :

-Rugaha dalkaan lagu daaweeyo cudurada Kansarku waxay la’ yihiin shaqaale xirfadaha shaqadaas u tababaran, 18 xarumood oo cudurkaas lagu daaweeyo ayaa 17 ka mid ahi, waxay baahi xoog leh u qabaan shaqaale goobahaas ka hawlgala tusaale ahaan waxay goobahaas lagu daaweeyo cudurka Kansarku soo dhajiyeen 440 shaqo oo xarumahaas ka banaan ilaa iyo hadana aan la buuxin,taasina waxay raad weyn ku yeelaneysaa bukaan socodka rugahaas.

Hey’adda Canserfonden ayaa soo jeedisey in la sameeyo xarun dhexe oo heer qaran ah, awood dheeraad ahna leh iyo waliba guddi heer qaran ah oo hawlaha xarumahaas isku dubarida, qorshana u dajiyo waxbarashada iyo shaqada goobahaas looga baahan yahay.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".