Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shirkadaha oo loo ogolaaday in ay mamnuucaan xijaabka

La daabacay tisdag 14 mars kl 10.34
Khadra:"Hadii albaab kaa xidhmo mid kale ayaad furan kartaa"
(3:36 min)
Xukunkan ayaa ka yimid maxkamada EU.
Xukunkan ayaa ka yimid maxkamada EU. sawir: Johansen, Carina

Shirkadaha wadamada EU ayaa lo ogolaaday in ay mamnuucaan calaamadaha diinta, tusaalahaan ayaa shirkadaha surtogal looga dhigay in ay diidan hablaha xijaabka xidhan.

Go´aankan ayaa ka yimid maxkamada EU dhowaan.

Xukunkan ayaa ka dhashay wadamada Fraansiiska iyo Belgium halka laba kiis oo arrimahan la xidhiidha maxkamad la soo saaray. Waa laba gabdhood oo ka dib ay shaqadu ka mamnuucday in ay xijaab u soo gashadaan shaqada hadana soo xidhay.

Mid ka mid ah shirkadahan ayaa u jeeda in ay shaqadu tahay meel ay dadku ku simanyahiin oo aan diinta lagu soo bandhigi karin halkey shirkada kale dhaleecayn ka heshay mid ka mid ah dadkii halkaas wax ka iibsanayey.

-Xukunkan ayaa ka dhigan in hablaha qaar tusaalahaan kuwa xijaaban ka shaqeeyn karin shirkadaha diida labiskooda, ayuu sheegay Martin Mörk oo ka hawlgala hayadda ka hor-tagga cunsuriyadda ee DO loo soo gaabiyo.

Khadra Seerar ayaa u jeeda in ay saameeyn doonto diinta muslimka ah madama dushooda laga arko in ay xijaabanyihiin halka diimaha kale sida ta yuhuuda la qaato silis aan muqanin. Balse fikirkeedu muxuu ka yahay go´aanka maxkamadeed? 

-Aniga waxeey ila tahay in shirkad kasta xor u leedahay in ay go´aamiso si ay shaqaalahoodu u labistaan, dhanka kale xukunkani wuxuu si xun u saameeynayaa hablaha xijaabaan. Hadii shirkadu kuu diido in aad halkaas ka shaqeeysid waxaan odhan lahaa shirkad kale shaqo u doono. Marka uu albaab ka xidhmo mid kale ayaa kuu furmaya.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".