Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Caruur ma leedahay? Markaas cimrigaagu waa dheeraanayaa

La daabacay tisdag 14 mars kl 13.05
Dadka caruuraha leh oo noloshoodu ka dheerato kuwa aan lahin.
Dadka caruuraha leh oo noloshoodu ka dheerato kuwa aan lahin. sawir: Izabelle Nordfjell/TT

Cilmi baare Iswiidhish ah ayaa baaritaano cusub ku sameeyey da’da dadka iyo farqiyada u dhexeeya , waxaana cilbaaristaan lagu soo daabacey wargeyska lagu magacaabo Epidemiology and community Health.

Horey ayaa cilmi baarayaasha adduunku u qireen in dadka waalidiinta ahi ay noolaadaan muddo dheer taas oo arrima badan oo bulshooyinka la xiriira raad ku leh.

Balse baaritaankaan cusub ee uu soo saarey baare ka hawlgala machadka Karolinska, ayaa baaritaano ku sameeyey cimri dhererka dhammaan ragga iyo dumarka da’doodu ka weyneyd 60 jirka kuwaas oo dalkaan Iswiidhan ku dhashey muddadii u dhaxeysey sanooyinkii 1911-kii ilaa iyo 1925-kii, wuxuuna cilmi baaruhu baaritaanadaas sii wadey ilaa iyo intii qaarkood ay da’ ahaan ka gaarayeen 103 jir.

Baaritaankaan ayaa lagu ogaadey in dadkii caruurta dhaley ay laba sano ka cimri dheeraadeen kuwii aan caruurta laheyn, baaritaanka ayaa sidoo kale natiija ahaan lagu ogaadey in cimri dhererkaasi sii kordhayo markii da’da dadkaas ilmaha dhaley ay sii siyaadaba.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".