Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Novus : Taageerada Trump ee bulshada Sweden oo aad u liidata

La daabacay onsdag 15 mars kl 10.13
Shacabka reer Sweden oo aan jecleyn Donald Trump
(1:33 min)
Delad bild: man med sverigeflagga över axlarna döljer huvudet i händerna, en leende Donald Trump.
Åtta av tio svenskar ogillar USA:s president Donald Trump. sawir: Fredrik Sandberg/TT, Nicholas Kamm/TT.

Weydiimo laga qaadey dadka reer Sweden ayaa muujiyey in boqolkiiba 80 aysan jecleysan madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump, sidaasna waxaa lagu muujiyey weydiimo ay shirkadda Novus u sameeysay laanta warar ee Ekot.

Boqolkiiba toban oo kaliya shacabka dalkaan ayaa sheegey in ay la dhacsan yihiin Donald Trump.

Sören Holmberg oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Göteborg ayaa wuxuu yiri sidan soo socota:

- Horey ayaa jaamacadda Göteborg u sameysey baaritaano la xiriira fikirka dadka reer Sweden ka qabaan siyaasiyiin heer caalami ah iyo kuwa ay jecel yihiin,balse baaritaankaan hadda laga sameeyey Donald Trump, waa kii tira ahaan ugu badnaa abid ee shacabka dalkaani ku muujiyaan sida ay aqlabiyad balaaran u diidan yihiin, ayuu yiri Sören Holmberg oo cilmiga siyaasadda ka dhiga jaamacadda Göteborg.

Machad lagu magacaabo SOM, oo hoos taga jaamacadda Göteborg ayaa hadda ka hor shacab weynaha dalkaan Sweden ka qaadey weydiimo la xiriira reysal wasaarihii hore ee dalka Talyaaniga Silvio Berlusconi iyo madaxwenaha dalka Ruushka Vladimir Putin, kaas oo qaar badan oo ka mid ahi ku muujiyeen sida aysan u jecleysan labadaas siyaasi balse sidaas oo ay tahay waligeed ma dhicin heerka tiro oo ay gaartey xiisa la’aanta iyo ka helid la’aanta shacabka reer Sweden baaritaankaan cusub ugu muujiyeen Donald Trump.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".