Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doorashadii Holand oo loo riyaaqay natiijadii ka soo baxday xalay

La daabacay torsdag 16 mars kl 09.49
Hoggaamiyaha xisbiga VVD, Mark Rutte oo xisbigiisu noqday midka ugu dhumucda wayn ee doorashada.
Hoggaamiyaha xisbiga VVD, Mark Rutte oo xisbigiisu noqday midka ugu dhumucda wayn ee doorashada. sawir: ROBIN VAN LONKHUIJSEN

Wasiirka arrimmaha dibadda Sweden Margot Walsström (S) oo u hambalyeeysay xisbiga VVD ee Holand iyo hoggaamiyihiisa Mark Rutte.

Wasiiradda ayaa sheegtay in natiijada ka soo baxday doorashadii ka dhacday dalka Holand inay bulshada holandeesku ka doorteen siyaasadda mabaadiida fudud siyaasad ka duwan ee salka ku heeysa bulsho isku dhex dhafan, leh midabo kala duwan oo furfuran. Waddamada Holland iyo Sweden ayaa taabac-san siyaasadda furfuran, ilaalinta xuquuqda bani’aadamka iyo Yurub oo xooggan, sida ay sheegtay Margot Wallström oo u warramaysay hayadda wararka Sweden ee TT.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".