Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Stefan Löfven: Danbiyada burcadka hubeysan waa in la soo afjaraa

La daabacay torsdag 16 mars kl 10.06
Löfven : Burcadka hubeysan iyo danbiyadoodaba waa in la soo afjaraa
(1:40 min)
Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S) iyo Anders Ygeman (S), wasiirka arrimmaha gudaha.
Madaxa dawladda Sweden Stefan Löfven (S) iyo Anders Ygeman (S), wasiirka arrimmaha gudaha. sawir: Thomas Johansson/TT

Reysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven ayaa maanta kulan aan caadi aheyn wuxuu isugu yeerey golaha amniga qaranka ka dib markii dilal is dabajoog ahi ay ka dheceen xaafadaha daafaha magaalooyinka ah.

Reysal wasaare Stefan Löfven ayaa sheegey in aan loo baahneyn in laga cabsado ama laga baqo toogashooyinka iyo kooxaha burcadka danbiilayaasha ah, wuxuuna intaas ku darey in la soo afjaro falalka kooxaha burcadka ah ee danbiyada hubeysan dalkaan Sweden ka geysta.

Reysal wasaare Stefan Löfven oo kulankaas ka dib shir jaraa’id qabtey ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa:

- Waa in kor loo qaado hawlgalada iyo kharashaadka looga hortagayo kooxaha burcadka hubeysan ah, sidoo kalana waa in qof kastaa ammaan dareemaa meeshii uu doono dalkaan ha ka daganaadee, ayuu yiri Reysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven.

Wasiirka arrimaha gudaha Sweden Anders Ygeman oo isna shirkaas jaraa’id goobjoog ka ahaa ayaa sheegey in la siyaadin doono hawlaha looga hortagayo danbiyada gaar ahaan kuwa ka dhaca xaafadaha daafaha ka ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaan, wuxuuna intaas ku darey in hey’adaha kala duwan ee dalkaani ay iska kaashan doonaan sidii loola dagaalami lahaa danbiilayaashaas hubeysan ee burcadka ah, ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha dalkaan Sweden Anders Ygeman.

Kulankaan heerka sare ah ayaa waxaa sababey ka dib markii muddooyinkii la soo dhaafey ay dalkaan Sweden ka dheceen dilal iyo gacan ka hadalo hubeysan oo ay geysanayaan burcad danbiilayaal ah oo hubeysan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".