Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhacdooyinka argagixisada Yurub oo weli Sweden cabsi ku haya

La cusbooneeyay torsdag 16 mars kl 13.39
La daabacay torsdag 16 mars kl 12.23
Säpo: Shakhsiyaadka keli-nimada u howl-gala ayaa ugu adag la socodkooda
(3:30 min)
Hoggaanka ciidanka nabad-sugidda Säbo oo warbixin soo ban-dhigay.
Hoggaanka ciidanka nabad-sugidda Säbo oo warbixin soo ban-dhigay. sawir: Janerik Henriksson/TT

Xoogagga xag-jirrada islaamiyiinta iyo shakhsiyaadka keli-nimada ugu tallaabsada falalka argagixis-nimo ayaa weli caqabad cabsi ku ah sugidda ammaanka dalka Sweden, sida uu qabo Ahn-Za Hagström, ahna saadaaliye ka howl-gala hayadda nabad-sugidda.

Khatarta Yurub kaga soo aadan tusaale ahaan ururka Daacish ayaa la filayaa inay halkeeda ka sii socoto, iyadoona dadyoow ururka argagixisada ee Daacish taabac-san lagu dhiiri-geliyo iney ku tallaabsadaan intii karaankooda ah, isla-markaana ku nagaadaan waddammada Yurub.

Sannadkii ina soo dhaafay ayey aad kor ugu kaceen dadyoowga ka soo noqda dagaaladda ka socda waddammada Suuriya iyo Ciraaq, halka ey ka yaraadeen dadyoowga u socdaala.

Kooxaha kale ee xag-jirriinta  

Ciidanka nabad-sugidda Säpo ayay u muuqdaan kor u kac dhaqdhaqaaqyada kooxaha ey ka mid yihiin vit makt – awoodda caddaanka, kooxaha bidixda iyo midigta fog.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".