Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dhallaan looga cabsi qabo in jadeeco looga daartey xannaanada

La daabacay torsdag 16 mars kl 15.46
Shakhsi tallaal lagu dhufanayo.
Shakhsi tallaal lagu dhufanayo. sawir: Claudio Bresciani/TT

Nawaaxiga xaafadaha dhaca Järva ayaa laga heley cudurka jadeecadda sida uu qoray war-geeyska Dagens Nyheter.

Tirada dadyoowga jadeecada laga heley ayaa iminka kor u gaarey 10 ruux oo toddoba ka mid ahi yihiin dhallaan.

Mid ka mid ah dhallaanka ay jadeecadu asiibtay ayaa qayb ka ahaa dugsiga xannaanada dhallaanka, iyadoona waalidiinta dhallaanka ey goobta ku wada sugnaayeen lagu war-gelin doono.

- Waalidiinta dhallaanku u dhigtaan dugsiga xannaanada ayaa lagu war-gelin doonaa dhacdadaa, astaamaha jadeecada lagu garto, iyo cidda lala kaashan karo haddii dhibaatooyin lagala kulmo, sida uu sheegay Per Follin, ahna dhakhaatiirta ku howl-gasha ka hor-tagga cudurrada faafa ee gobolka Stockholm, mar uu u warramayay  hayadda wararka Sweden ee TT.

Cudurka jadeecadda ayaa ah cudur si sahlan la isku qaadsiiyo oo horseeda hurgun ku dhaca xuubka maskaxda oo saameeyn ku reebo nolosha shakhsiga. Dhallaanka sabiga ah ayuu geeri u hor-seedi karaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".