Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Imtixaanka dhexe ee dugsiyada sagaalaad oo la helay

Publicerat fredag 17 mars kl 11.12
imtixaanka guud
(1:40 min)
Tanja oo u taba-bareeysa ardeyda inta aaney u fariishan imtixaanka. Sawirle: Martin Hult / P4 Uppland
Tanja oo u taba-bareeysa ardeyda inta aaney u fariishan imtixaanka. Sawirle: Martin Hult / P4 Uppland

Imtixaanaadka guud ee luqadda iswiidhishka (svenka som andraspråk) oo maanta ay u fadhiisanayaan ardayda fasallada 9aad ayaa laga yaabaa in wax laga bedelo ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in imtixaanka la helay iyadoo laysugu gudbiyay baraha bulshadu ku kulanto (sociala medier).

Boodhka iskuullada (skollverket) ayaa maanta oo jimce ah ku wargeliyay maamulayaasha iskuullada inay jiraan warar sheegaya in imtixaanka la faafiyay ka hor inta aan loo fadhiisan oo markaa taasina ay keeni karto in imtixaanka wax laga bedelo.

Anna Westerholm oo ka tirsan boodhka iskuullada ayaa sheegtay in boodhku leeyahay habraac taxader ah oo loo maamulo loona ilaaliyo imtixaannada si bay tidhi loo yareeyo amaba looga hortago qishka.

War-saxaafadeed uu maanta soo saaray boodhku ayuu ku sheegay in ay maamulayaasha iskuullada la gudboontahay sidii iyagu u maarayn lahaayeen arrintan.

Dhinaca kale Anna Westerholm ayaa sheegtay in inta badan uu qaladku ka iman karo taxaddar la’aan qofka ka timaadda, sida iyadoo qaybo imtixaanka ka mid ah lagu illaawo meelo aan munaasib ahayn oo markaa sidaas imtixaanka lagu helo, iyadoo taasi wax weyn u dhimayso kalsoonida lagu qabo natiijada imtixaanka isla markaana aan la ogaan karin aqoonta saxda ah ee ardaygu u leeyahay maadada lagu imtixaamayo.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".