Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Adeeg lagu caawineyo dhallaanka kelisocodka ku yimaada Sweden

La daabacay fredag 17 mars kl 15.02
Soomaalida kali socodka ah
(6:45 min)
Howlwadeennada ka howl-gala adeegga telefoonnada taageerada ee luuqadaha kala duwan.
Howlwadeennada ka howl-gala adeegga telefoonnada taageerada ee luuqadaha kala duwan. sawir: Foto: Rädda Barnen.

Ururka Badbaadinta Caruurta dalkaan Sweden ” Rädda Barn” ayaa bilawdey adeeg taleefoon oo ay dhallaanka soomaalida ah ee kali socodka ah ku siineyso caawin dhanka talooyinka ah.

Ururka Badbaadinta Caruurta  ayaa caawimaaddaan dhanka taleefoonka ah markii ugu horeysey bilowdey dhammaadkii sanadkii 2015-kii , markaas oo ay ku bilowdey luqadaha Daariga, Carabiga, Ingiriiska iyo dabcan luqadda Iswiidhish-ka.

Ururka ayaa hadda bilaabey luqadaha Soomaaliga iyo Tigriiniya si ay u caawiso dhallaanka kali socodka ah ee luqooyinkaas Soomaaliga iyo Tigriiniga ku hadla.

Eva Harnesk oo ah mas’uulka ururka badbaadinta caruurta u qaabilsan dhanka adeega talefoonada looga caawiyo dhallaanka kali socodka ah, ayaa sheegtey in sababta ay barnaamijkaas u fuliyeen ay aheyd ka dib markii dhammaadkii 2015-kii, dalkaan Sweden ay soo galeen dhallaan badan oo aan ku hadlin luqadda dalkaan looga hadlo, caawimaaddii ay u baahnaayeena aan helin, markaas ayaa ururka badbaadinta caruurtu go’aansadey in lagu dhaqaaqo hawshaas dhanka adeega talefoonka ah ee dhallaankaas luqadda ay ku hadlaan loogu sharxayo weydiimaha ay qabaan iyo caawimaadda ay rabaan.

-Dhallaanku way isticmaalaan adeeggaan dhanka taleefoonka ah, weyna na soo wacaan si ay u helaan warbixino kala duwan iyo waliba in uu taageero qof ku hadla isla luqadda ay ku hadlaan, waxaa kaloo jira arrimo aad muhiim u ah oo ay rabeen in laga caawiyo,sida dhanka caafimaadka dhibaatooyinka la soo gudboonaada ama dhibaatooyinka ay dhanka deegaankooda ku qabaan ama haddii ay rabaan qof wax aysan fahmin u turjuma ama ula hadla qofka dhaqaalaha u qaabilsan degmada ay ku nool yihiin  iwm ayey tiri Eva Harnest oo ka hawlgasha ururka badbaadinta caruurta.

Eva Harnest oo la weydiiyey sababta ay hadda u bilaabayaan adeegga luqadaha Af-soomaaliga iyo Tigriiniya, ayaa waxay ku jawaabtey:

-Dhallaan badan ayaa na soo wacay kuwaas oo naga dalbadey in aan bilowno adeeg luqadahaas labada ah la xiriira , sidoo kale waxaa nala soo xiriirey shaqaala kala duwan oo iyaguna naga dalbadey in aan ageega luqadahaas bilowno maadaama dhallaan badan oo kali socod ah luqadahaasna ku hadlaa dalkaan Sweden dhawaanahaan ay soo galeen amaba ay  horey u joogeen, ayey tiri Eva Harnest.

Maadaama dhallaanka kali socodka ahi wiilal u badan yihiin ayaa hadana waxaa jira in dhallaanka taleefoonadaas soo wacaa boqolkiiba labaatan ay gabdho yihiin, kuwaas oo caawimaado kala duwan u baahan sida ay sheegtey Eva Harnest.

Mas’uulkaan ka hawlgasha ururka badbaadinta caruurta, ayaa la weydiiyey ilaa xad, kalsoonida u dhaxeysa ururkooda iyo dhallaankaas iyo waliba aaminka ay ku qabaan waxyaalaha ay dhallaankaasi u sheegayaan maadaama qaar dhallaankaas ka mid ah ay la soo gudboonaatey duruufo aad u ad-adagi, waxayna Eva Harnest  ku jawaabtey:

-Kalsoonida waxaa keenaya in la dhageysto waxa dhallaankaasi ay ku hadlayaan, loona dhageysto si qota dheer oo ixtiraam xanbaarsan,markaas ka dibna la siiyo caawimaadda iyo taageerada ugu haboon oo ay u baahan yihiin, kalsoonidaas ayaana sababtey in dhallaankaasi ay si isdaba joog ah noo soo wacaan,  ayey tiri Eva Harnest.

Wexeey sheegtey in waayihii hore ay dhallaankaas badankoodu ka hadli jireen arrimaha helida sharciyadooda ku saabsan ama waxyaalo aysan fahman oo ay rabaan in loo sharxo, ama dhibaatooyinka ay ku qabaan goobaha ay ku nool yihiin balse waayadaan danbe ay na soo wacaan dhallaan dhanka maskaxda dhibaatooyin ka sheeganaya iyo qaarkood oo ka raja dhigey in ay dalkaan sharciyo ka helaan kuna sii nagaadaan ka dib markii ay jawaabo diidmo ah heleen, waxayna dareemayaan in aanu nahay kuwa dhageysta waxyaalaha ay ka cabanayaan, annaguna aan ku guubaabino in ay duruufahaas heysta u sii dhabar adeygaan, waana muhiin in dhallaankaas si fiican loo dhageysto,waxaan kaloo dhallaankaas u sheegnaa in ay takhtar caafimaad u baahan yihiin marka duruuftooda caafimaad ay halkaas mareyso,  ayey tiri Eva Harnest.

Eva Harnest ayaa intaas ku dartey in bilihii u danbeeyey ay soo wacayeen dhallaan walwalsan oo maqley dhallinyaro is-dishey ama qaar saaxiibadood ah oo isdiley, amaba ay Facebuug-ga ka maqleen arrinkaas, xataa qaarkoodna ay isweydiinayaan in is-dilku xal u yahay dhibaatooyinka iyaga heysta, waanuna uga mahad celiney sida kalsoonida ah oo ay noo soo weceen , waana muhiim in dhallaankaasi waxa ay ku hadlayaan aan la dhayalsan , oo dhab loo qaato ,waxaanuna dhankayaga u sheegney in is-dilku uusan xal aheyn balse ay jiraan siyaaba kale oo uu qofku ku xallin karo dhibaatooyinka la soo gudboonaada, ayey tiri Eva Harnest.

Eva Harnest ayaa sheegtey in ururkoodu uusan xal u heli karin dhammaan dhibaatooyinka heysta dhammaan dhallaankaas kali socodka ah, sida sharciga dalkaan inta uu ku qaadanayo iwm,  inkastoo aan jeclaan lahaayeen in xal waara loo helo dhammaan dhibaatooyinka dhallaanka ku heysta dalkaan Iswiidhan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".