Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tababare kubbadda cagta oo lagu eedeeyey fal kufsi wiilal yaryar

Publicerat fredag 17 mars kl 15.01
Jeebada dembiileyaasha lagu xiro.
Jeebada dembiileyaasha lagu xiro. Foto: FREDRIK SANDBERG / TT

Tababare ciyaarta kubbadda cagta oo lagusoo oogay dacwad la xiriirta kufsi carruur yar-yar.

Ninkan oo tababare u ahaa carruur da’doodu u dhexayso 11- 14 sano jir ayaa la tuhunsan yahay inuu far-xumeeyay saddex will oo ka mid ah carruurta uu tababaraha u ahaa mudadii u dhexaysay 2015-2016kii, isagoo sida la sheegay ilaa 8 jeer debmigan culus kula kacay wiilashan.

Ninkan ayaa la sheegay inuu carruurta ku khasbi jiray inuu galmo la sameeyo, iyadoo sida dacwada lagu sheegay ay jiraan caddaymo (DNA) ah oo laga helay dharka hoosta laga xidho ee wiilasha.

Maamulaha iskuulka ay wiilashu dhigtaan ayaa sheegtay inay iyadu aqoon u lahayd ninkan tababaraha ah, hase ahaatee ay adagtahay in la ogaado in shakhsigu laba waji yeelan karo, waxayna intaas ku dartay in arrintani ay indha-fur u noqonayso si mustaqbalka looga taxadero.

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".