Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xeer ilaaliye dalbadey in laba nin dalkaan laga masaafuriyo

La daabacay fredag 17 mars kl 15.53
Daarta maxkamadda degmada Uppsala.
Daarta maxkamadda degmada Uppsala. sawir: Henrik Montgomery/TT

Danbi baare ku sugan magaalada Uppsala ayaa raba in dalkoodii dib loogu masaafuriyo laba nin oo ku eedeysan danbi la magac baxay  kufsigii Facebook-ga.

Arrinkaan ayaa dhacey ka dib markii danbi lagu soo oogey saddex nin oo lagu tuhunsan yahay in ay galeen danbi kufsi la xiriira kaas oo faldanbiyeedkaas isla markuu dhacayey si toos ah looga soo tabiyey aaladda Facebook.

Xeer ilaaliyaha nimankaan danbiga ku soo oogey ayaa maxkamadda ka dalbadey in laba ka mid ah nimankaas kufsiga lagu soo eedeeyey kalana jira 18 sano iyo 21 sano dalkoodii dib loogu masaafuriyo, lagana mamnuuco in ay dalkaan Sweden soo galaan muddo ugu yaraan dhan 15 sano.

Maxkamadda rafcaanka ayaa horey wax uga badashey go’aankii maxkamadda Uppsala, waxayna joojisey in labadaas nin la masaafuriyo da’dooda oo yar awgeed, balse xeer ilaaliyaha nimankaan danbiga ku soo oogey ayaa qaba, kuna adkeysanaya  in da’da raggaasi jiraan aysan marna caqabad ku noqoneyn in dalkaan laga masaafuriyo.

22-kii Janaayo ayey aheyd markii laba nin ay ku kufsadeen gabar 30 jir ah guri ku yaala magaalada Uppsala.

Nin 24 jir ah una dhashey dalkaan Sweden ayaa isna lagu soo oogey in kufsigaas uu qeyb ka ahaa maadaama uu filim ka qaadey, dhigeyna aaladda Facbook –ga, balse xeer ilaaliyuhu ma dalban in ninkaas dalka laga masaafuriyo maadaama uu dalkaan u dhashey.

Maxkamadda ayaa dib loo qaadi doonaa maalinta jimcaha ee soo socda.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".