Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bukaneyaashii uu qalay Macchiarini oo kii ugu dambeeyay geeriyooday

La daabacay måndag 20 mars kl 09.02
Paolo Macchiarini, dhakhtar dacwooyin badan oo qalliin la xiriira lagu soo oogey.
Paolo Macchiarini, dhakhtar dacwooyin badan oo qalliin la xiriira lagu soo oogey. sawir: Lorenzo Galassi

Bukaan-socodkii ugu dambeeyay ee dhibbaneyaashii uu dhuummaha ka badalay dhakhtar Paolo Macchiarini ee cusbitalka jaamicadda Karolinska ayaa geeriyootay, sida uu sheegay war laga soo xigtay laanta wararka idaacadda la ska daawado ee SVT Nyheter ee magaalada Stockhol.

Bukaan-socodkan, ahan muwaadinad u dhalatay dalka Turkiga ayaa buuxin lahayd bisha abriil 27-jir, iyadoona ku sugneeyd cusbital ku yaala dalka Mareeykanka.

Waxay ahayd haweenaydii shanaad ee uu qalliin dhuun-bedel caag ah dhuunta kaga sameeyo Paolo Macchiarini sannadkii 2012. Qalliinkaa lagu guul-darreeystay dabadeed ayaa haweenaydaa loo qaaday dalka Mareeykanka si loogu abuuro dhuun cid kale ugu yaboohday.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".