Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Xeer ilaaliye dalbadey in maxkamad hor leh la soo taago Kej Linna

La daabacay måndag 20 mars kl 13.20
Sal-dhigga maxkamadda sare Sweden.
Sal-dhigga maxkamadda sare Sweden. sawir: Sofia Tanaka / TT / TT

Maxkamadda sare ee dalkaan Sweden ayaa dib u eegi doonta xukunka nin horey xabsi daa’im loogu xukumey kaas oo lagu magacaabo Kej Linna,  sida uu maanta sheegey xeer ilaaliye Jens Göransson.

Bishii december ee sanadkii hore ayaa maxkamadda sare waxay ogolaatey in ninkaan xabsi daa’imka ku xukuman arrinkiisa dib loo eego ka dib markii uu xirnaa muddo 13 sano ah.

Kaj Linna oo isagu muddo dheer ku andacoonayey in uusan galin danbiga dartiis xabsi daa’inka loogu xukumey, ayaa rajeynayey in  laga yaabaa in xabsiga laga siidaayo balse taas badalkeeda ayaa Linna waxaa la saarayaa maxkamad cusub.

Danbiga ninkaan loo xirey ayaa ahaa ka dib markii sanadkii 2004-tii laba qof oo walaala ah lagu weerarey Kalamark oo wax yar banaanka ka ah degmada Piteå, markaas oo mid ka mid ahi u dhintey dhaawicii soo gaarey meesha kan kalana uu soo gaarey dhaawac aad iyo aad u culus, ka dibna falkaas danbi awgiis loo soo qabtey Kej Linna, xabsi daa’inna lagu xukumey isagoo wali ku andacoonaya in uusan ka danbeyn falkaas danbi.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".