Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Noorway.

Qowmiyadda ugu farxadda badan

La daabacay måndag 20 mars kl 16.33
Barxadda Banetorget ee dhabbada Karl Johans ee magaalada Oslo, dalka Norway.
Barxadda Banetorget ee dhabbada Karl Johans ee magaalada Oslo, dalka Norway. sawir: Braastad, Audun

Dalka Sweden ayaa kaalinta tobbanaad ka galay liiska waddammada ey ku nool yihiin bulshada ugu farxadda badan ee caalamka, sida ku cad war-bixin sannadeedka shabakadda magaceeda loo soo gaabiyo SDSN ee ururka caalamiga ee Qarammada Midoobey (QM).

Kaalinta koowaad ee bulshada ugu farxadda badan ee sannadka ayay ku guuleeystaya bulshada Noorway oo kursigaasi ka riixatay dalka Danmark oo afartii jeer ee ugu dambeeysay ku guuleeystay kaalinta koowaad saddex jeer.

War-bixinta ayaa sidoo kale carrabka lagu adkeeyey in uu dalka Noorway ku guuleeystay kaalinta koowaad iyada oo dhanka kale ay hoos u dhaceeyso qiimaha batroolka ee caalamka oo hoos u dhigtay dakhligii dalkaasi ka soo geli jiray. Hase yeeshee ey jiraan sababo kale ee saameeyn ku leh farxadda bulshada.

Sannadihii sagaashameeyadii ayuu dalka Noorway bilaabay inuu furo khasnad uu ku keeydiyo dakhliga ka soo gala batroolka ee mustaqbalka, middaasina oo noqotay mid ka mid ah qasnadaha lacagta ee adduunka ugu ballaaran.

Dalka Sweden ayaa liiskaa ka galay kaalinta tobanaad sidii sannadkii midkan ka horreeyay ee 2016, ahna kaalin ka hooseeysa midda shanaad oo uu dalkani liiska ku hantiyay afar sannadood hortood.

Dhanka kale ayuu dalka Sweden yahay waddanka ay bulshadiisu ugu farxadda yar tahay waddammada dhaca waqooyiga Yurub (Norden), maadaama ey dalalka Finland iyo Iisland galeen shanta waddan ee liiska ugu horreeya.

Waddammada ugu liita ee lagu noolaado liiskan ayaa dhaca qaaradda Afrika: Wadanka sentraal Afrika, Burundi iyo Tanzaaniya.

War-bixintan ayaa lagu soo qaatay waddammo gaarsii-san 155, iyada oo laga cabir-qaadaneyo dhaqaalaha BNP, isku celcelinta nolosha bulshada dal ku dhaqan iyo musqmaasuqa. War-bixinta sannadka ayaa si gaar ah loogu eegey farxadda lagu qabo goobaha shaqada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".