Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Qorshaha dawladda ee ka hortagga kooxaha dembiyada qorsheeysan

La daabacay tisdag 21 mars kl 09.53
Morgan Johansson (S), wasiirka shuruucda Sweden.
Morgan Johansson (S), wasiirka shuruucda Sweden. sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Dawladda ayaa ku talo jirta inay maanta soo ban-dhigto qorshe-qarameed la xiriira ka hor-tagga dembiyada.

Qorshahan ayaa guud ahaan ku saabsan miisaaniyad 40 malyan oo dheeri ah sannad walba, sida uu sheegay wasiirka cadaaladda Morgan Johansson (S), intaasina ku daray in loo baahan yahay sidii loo cirib tiri lahaa kooxaha dembiyada ku bahoobey.

Qorshaha ayuu macnihiisu yahay sidii looga hor-tegi lahaa in dhallin-yaradu ku biiraan kooxaha dembiyada ku bahoobey iyo sidoo kale sidii ammaan looga dhigi lahaa xaafaddaha ey cabsidu ka jiraan.

Brottsförebyggande rådet - Guddiga talada ee ka hor-tagga dembiyada ayaa masuuliyad laga saaray sidii uu howlahaa qaran ahaan isugu duwi lahaa, halka hoggaannada hayad-goboleedyada loo xil-saarey howlo la mid ah kolka laga hadleyo gobollada, degmooyinka iyo xaafadaha, sida uu war-geeyska Aftonbladet boggiisa doodda ku qoray Morgan Johansson.               

Waxaan la dagaalami doonnaa falal-dembiyeedyada iyo sidoo kale sababaha dhaliya”, sida uu wasiirku qoray.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".