Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på https://kundo.se/org/sverigesradio/
Dab ka kacay bakhaar bateri ee magaalada Landskrona. Xir albaabada iyo daaqadaha. warar intaa dhaafsii-san P4 Malmöhus ka daalaco.

Hab loo howl galo oo laga soo min guuriyay dalka Mareeykanka

La daabacay tisdag 21 mars 2017 kl 17.25
Morgan Johansson (S), oo ku sugan magaalada Malmö.
Morgan Johansson (S), wasiirka shuruucda oo ku sugan magaalada Malmö, halkaasina shir jaraa'id ku qabtay. sawir: Emil Langvad/TT

Qorshaha dawladda ee ka hor-tagga dembiyadu waxay salka ku haysaa sidii dhallaanka qarka u saaran iney ku dhacaan shabakadda dembiyada looga soo celin lahaa.

Wasiirka shuruucda Morgan Johansson (S) ayaa soo jeediyay hab uu ka soo xigtay dalka Mareeykanka oo ammaan looga dhigi karo xaafadaha.

Wasiirka shuruucda Morgan Johansson ayaa maanta soo ban-dhigay, mar uu qabtay shir-jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Malmö qorshaha dawladda ee ka hor-tagga dunuubta. 40 malyan oo dheeri ah ayaa loogu talo galey sidii howlahaa loogu maal-gelin lahaa hayadda guddiga ka hor-tagga dembiyada iyo maamul-goboleedyada sidii ey ku howlgelin lahaayeen howl-wadeenno gacan ka siiya degmooyinka arrimmaha la xiriira ka hor-tagga dembiyada, sida uu shaaca ka qaaday wasiirka shuruucda Morgan Johansson.

- Waxaa ugu yaraan gacan laga geey-san karaa sidii looga hor-tegi lahaa dembiyada, sidii loo dhimi lahaa tirada dadyoowga qaybta ka noqda kooxha dembiileyaasha. Hase yeeshee si loo burburiyo koox dembiyo isku baheeysatay waa in dhabbooyinka laga suuliyo dhammaan xubnaha kooxda, iyada oo middaasi loo marayo xeerka dalka u degsan in lagu xukumo dembiyada ey galaan. Kolka laga hadleyo dhallaanka da’da yar waa in la isticmaalo xeerka LVU ee ogolaanaya in gacanta lagu dhigo, sida uu sheegay Johansson.

Qorshe ballaaran

Xisbiyada ku bahoobey maamulka dalka ee S-MP ayaa wata qorshe miisaaniyad ballaaran. Laga soo bilaabo howlo shakhsiga khuseeya sida taageero waalidka loo fidiyo, taageero loo fidiyo dadyoowga ka towbad keena dembiyada iyo howlo la xiriira sidii looga taageeri lahaa in dembiyadaa dib loogu dhaco xaafadaha ay halistu ku badan tahay.

Hab uu wasiirku doonayo in la isticmaalo ayaa ah midka lagu magacaabo bids (business improvement districts – hagaajinta ganacsiga nawaaxiga), hab gacan lagaga dooneyo mulkiileyaasha ra’sumaalka aan guurin sidii ey u hagaajin lahaayeen nawaaxiga dhismeyaashooda ammaankana u sugu lahaayeen. Habkan ayaan loo isticmaaley xaafadda Sofielund oo dhacda magaalada Malmö, halkaasina oo uu wasiirku maanta booqasho ku tegay, iyo sidoo kale goobo ku yaala magaalada Göteborg iyo Stockholm.

- Waa hab aannu ka soo raadraaney magaalada dalka Mareeykanka iyo Kanada, annaga oo ka dhigeeyna hab iswiidhish ah. Rajooyin aad u waaweyn ayaan ka qabaa wada-shaqeeynta noocan ah, hab ku habboon sidii la isugu geeyn lahaa habka dawliga iyo midka mulkida loo leeyahay ee bulshada.

Wasiirka ayaa sidoo kale carabka ku adkeeyay ballan-qaadkii dawladda ee dammaanad-qaadka 90-ka maalmood, iyo in aannay cid dhallin-yaro ahi shaqa, tababar ama tacliin la’aan ku sugnaan muddo 90 maalmood ka badan. Waa is-bedelka ugu wayn ee looga hor-tageyo falalka dembiyada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".