Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Laguma talo jiro xeereeynta anshax xumida goobaha dabaasha

La daabacay onsdag 22 mars kl 14.00
Siyaabo kale waa in wax looga qabto
(2:22 min)
Xarunta dabaasha ee Eriksdalsbadet ee xaafadda Södermalm, magaalada Stockholm.
Xarunta dabaasha ee Eriksdalsbadet ee xaafadda Södermalm, magaalada Stockholm. sawir: Tomas Oneborg/SvD/TT

Dawladda dalkaan Sweden ayaan imminka ku fakareyn in ay fuliso sharci cusub oo lagu xakameynayo dadka ku dabaasha xarumaha dabaasha oo goobahaas ka geysta falal anshax xumo ah.

Maamulka magaalada Stockholm ayaa dalbadey bishii december ee la soo dhaafey sharci arrinkaas wax looga qabanayo ka dib markii ay kor u keceen, loona soo gudbiyey dacwooyin la xiriira anshax xumo iyo faraxumeyn ka dhacdey goobaha degmada ee lagu dabaasho.

Wasiirka caddaaladda Morgan Johansson ayaa sheegey in uu ku fakarey sharci cusub oo arrinkaas lagu xakameeyo balse uu hadda rabo in siyaaba kale arrinkaas loo maareeyo maadaama ay waqti dheer qaadaneyso ilaa iyo inta sharcigaas cusubi ka dhaqangalayo, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

- Sharciga badalaaddiisu waxay qaadaneysaa waqti dheer, ugu yaraan muddo hal sano ah ayey qaadaneysaa inta uu ka dhaqangalayo taas oo u baahan dib u eegis, diyaarin iyo dhaqangalinba, ayuu yiri Morgan Johansson wasiirka caddaaladdu.

Wasaaradda caddaaladda ayaa ku fakareysa sharci goobahaas dabaasha xaq u siinaya in ay ka mamnuucdo goobahaas lagu dabaasho dadka falalka anshax xumo kula kaca dadka kale ee goobahaas dabaasha u yimaada.

Sababta keentey in magaalada Stockholm codsato sharci arrinkaas lagu xakameeyo ayaa ka danbeysey ka dib markii qiyaastii 15 gabdhood ay ka soo dacwoodeen falal anshax xumo ah oo loogu geystey goobta dabaasha ee xaafadda Eriksdal oo ku taala magaalada Stockholm lixdii bilood oo u danbeysey sanadkii 2015-kii.

Qof ka mid ah dadka goobtaas falalka anshax xumo horey uga dheceen ku dabaasha ayaa la weydiiyey in hadda ay aaminimo dareemayaan iyo in kale, waxayna ku jawaabtey :

- Guud ahaan aaminaad ayaa qofku halkaan ka dareemayaa maadaama shaqaala badani ay hadda goobtaan ku sugan yihiin, dadkana loo sheegey laguna wargaliyey meesha ay u dacwoon karaan haddii ay goobtaas kala kulmaan wax anshax xumo iyo saqajaanimo ah oo loo geysto, xaalkuna hadda caadi ayuu iigu muuqdaa, waxaanna rajeynayaa in dadka reer Stockholm tagaan oo ku dabaashaan goobahaas dabaasha dadweynaha loogu talagaley.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".