Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dad u istaagtay sidii ey dhaqaale ugu ururin lahaayeen abaaraha

La daabacay onsdag 22 mars kl 16.27
9-jir: Cunto ma haystaan, biyo ma haystaan.
(7:57 min)
Gabar yar oo hor fadhida mudul.
Gabar yar oo ka mid ah dadyoowga ay abaaruhu soo bara-kiciyeen oo hor fadhida mudul. sawir: Ben Curtis

Dalka Sweden ayey toddobaadyadii ugu dambeeyey ka socdeen abaabullo xooggan oo taageero loogu ururinayo dadyoowga ku tabaaleey-san abaaraha ku dhuftay Soomaaliya, iyada oo dhibaatooyin ballaaran laga soo sheegeyo iney la soo gudboonaadeen bulshooyinka ku dhaqan waddammada dhaca dhammaan geeska afrika ee soomaaliduna ku dhaqan tahay:

Maama Salaado, ahna shakhsiga ku boorinaya in loo istaago sidii gacan looga geey-san lahaa masiibooyinka abaaraha ee la soo gudboonaadey goobo badan ee soomaalidu ku nooshahay ayaa ka mid ah dadyoowga isu xil-qaamay sidii ey dariiqyada ugu istaagi lahaayeen ururinta dhaqaale lagu taageereyo bulshooyinka ku musiibeey-san geeska Afrika, iyadoona taageero garab joog ah u muujinaysay Khadra Xuseen Calasow oo muddo 2 toddobaad ah ka hor bilowday sidii ay dhaqaale taageero ah ugu ururin lahayd dadyoowga abaaruhu tabaaleeyeen:

Khadra Xuseen Calasow iyo Maama Salaada ayaa siyaabo kala duwan wakhtigooda firaaqada u istaaga sidii ey albaabada ugu garaaci lahaayeen bulshada reer Göteborg iyo iney waddooyinka u istaagaan.

Magaalooyin badan oo Sweden ku yaala, sida Göteborg, Malmö, Eskilstuna, Borlänge, Umeå iyo qaar kale oo aan halka lagu soo koobi karin ayey u istaageen soomaalidu sidii ey dhaqaale ugu ururin lahaayeen dadyoowga abaaraha ku tabaaleey-san.

Maxamed Xuseen oo boqolkii ugu dambeeyay ee jeebkiisa ku jiray iyo gabadhiisa oo sagaal jira ah oo shantii koron oo ey nacnaca ku iib-san lahayd ugu deeqday Khadra Xuseen Calasow oo ku sugnayad barxadda Rymdtorget ee xaafadda Bergsjön ee magaalada Göteborg, halkaasina oo ay lacag ugu ururinaysay dadyoowga ku tabaaleey-san abaaraha.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".