Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Howlgabka oo cashuurta laga dhimayo

La daabacay torsdag 23 mars kl 10.43
cashuur dhimis: howlgabka
(1:49 min)
Dadka Howlgabka ah oo la doonayo in cashuurta laga dhimo.
Dadka Howlgabka ah oo la doonayo in cashuurta laga dhimo. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Xukuumadda ayaa lagu wadaa in ay maanta soo bandhigto hindise la doonayo in dadka howlgabka lagaga dhimayo lacagta cashuurta ah ee ay bixiyaan, sida uu shaaciyay telefiishanka Iswiidhan ee SVT.

Raisalwasaare Stefan Löfven iyo wasiirkiisa ganacsiga Magdalena Anderson ayaa maanta war saxaafadeed ay wadajir u qabteen kaga dhawaaqay cashuur dhimistan oo sida la sheegay saameeyn doonta ilaa 1.4 milyan oo howlgab ah iyadoo aan la sheegin inta ay leekaan doonto cashuur dhimistani.

Cashuur dhimista dadka howlgabka ah ayaa salka ku haysa dhaleecayn la xiriirta  xukuumaddii hore ee wadaaga ahayd (Alliansen) oo iyadu cashuur dhimis u samaysay dadka dakhligu uu shaqada kasoo galo oo kelia, iyadoo taasi uga gol lahayd in dad badani suuqa shaqada soo galaan, hase yeeshee aan cashuurta laga dhimin dadka howlgabka ah, dadka xanuunka shaqada uga maqnaada iyo weliba waalidiinta shaqada uga maqan xannaanada carruurta.

Xisbiga Socialdemokraterna ayaa iyagu hindisahan cashuur dhimista ee loo samaynayo dadka howlgabka ah dabada ka riixayay, iyadoo xisbigu uu xukuumaddii hore ku dhaleeceeyay caddaaladdarro ku aaddan farqiga u dhexeeya  lacagta cashuurta. Waxaana xisbigu hore cashuur dhimis ugu sameeyay howlgabka dakhligoodu hooseeyo sannadkii ina dhaafay.

Cashuur dhimistan ayaa lagu wadaa inay dhaqan gasho sannadka 2018:ka.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".