Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Tuuguba damiir wuu yeelan karaa

La daabacay torsdag 23 mars kl 15.44
Kompiyuutar khaas ah oo la isticmaalayo.
Kompiyuutar khaas ah oo la isticmaalayo. sawir: Elaine Thompson

Habee-nimadii ay soo galeeysay jimcadii ina dhaaftay oo la jabsaday dusgi xannaanada ee ku yaala magaalada Torslanda ayaa laga xaday kompiyuutar.

Kompiyuutarkaasina oo ahaa mid khaas ah. Aaladda kompiyuutarka ayuu lahaa wiil saddex jir ah oo siyaabo kala duwan u itaal la’a. Kompiyuutarka ayaa ku kacay qiime dhan illaa 150 000 oo koron.

Ciidanka ammaanka iyo wiilka hooyadii ayaa saxaafadda siyaabo kala duwan uga codsaday in tuugu u soo celiyo wiilka kompiyuutarkiisa oo aanu ka maarmin. Codsigaasina oo la dhageeystay.

- Tuuggii wuxuu dib ugu soo noqday goobtii xannaanada oo intuu albaab jabiyay dhex dhigay kompiyuutarkii. Subaxdii kolkii shaqaaluhu soo shaqa-tageen ayey goobtii ugu yimaadeen aaladdii oo taala, sida uu sheegay Christer Melvinsson, ahna sarkaal ciidammada ammaanka ee magaalada Torslanda, mar uu u warramayay war-geeyska GT.

Ciidanka ammaanka ayaa baaris ku haya goobtii dembigu ka dhacay, inkastoo aan illaa hadda fara lagu hayn ciddii jabsatay xannaanada.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".