Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

App cusub oo qaxootiga u sahlaya dhexgalka bulshadda

La daabacay torsdag 23 november kl 14.30
"Shaqo, hooy, iyo mucaawino ayuu siinaya"
(2:05 min)
App loogu talo galay qaxootiga si ay bulshadda u soo dhex galaan.
App loogu talo galay qaxootiga si ay bulshadda u soo dhex galaan. sawir: Kiichiro Sato

Degmadda Järfälla ayaa ugu horreeysa degmooyinka waddanka halka laga isticmaalo appka magaciisu yahay ”Saaxiibka Järfalla, af-iswiidhish ”Järfälla kompis”. Kan ayaa loogu talo galay in uu qaxootiga waddanka ku cusub caawiyo.

-Anaga waxaa noo muhiim ah in uu qof kasta goorta u rabo jawaabo u helo su´aalaha u markaas leeyahay, saacad kasta. Halkii ay xafiis fadhiisan lahaayeen oo jawaabta sugi lahaayeen islamarkiiba jawaabtaas wuxuu ka helaya app-kan cusub. Sidaas ayuu sheegay Alexander Rajsic oo ka hawlgala degmadan.

Wuxuu ku soo baxaa iswiidhish, soomaali, ingiriis, carabi, dari iyo espanyool. Halkaas ayey dadka waddanka ku cusubi maclumaadka ay u baahan yihiin ka heli karaan. Tusaalahan sida shaqo, hooy, mucaawino iyo xuquuqda uu leeyahay.

App-kan ayaa degmadda laga bilaabay bishi jannayo luguna talo galay sannad tijaabo ah.

Alexander Rajsic oo ka hawlgala degmadda Järfälla ayaa sheegay in degmadani qaabishay qaxooti boqol dhaafsiisan halka sannadka aan ku jirno la filayo in in intaas leeki timaado degmada. Aad ayey ugu muhiim tahay in ay islamarkiiba bulshadda u soo galaan, waxaan hubaa app-kani ka caawin doono intaas ayuu hadalka ku soo gabagabeeyay Alexander Rajsic.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".