Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Weerar argagaxiso oo lagu soo qaaday Ingiriiska

La daabacay torsdag 23 mars kl 09.00
Weerarkii argagaxiso ee magaalada London.
Weerarkii argagaxiso ee magaalada London. sawir: Tim Ireland

Shalay galabnimadii ayaa dhowr qof halku mid yahay askari lugu weeraray meel ka baxsan barlamaaanka Boqortoyada Ingiriska. Askariga halkaas ka shaqeeynayey ayaa u dhintay dhaawaci halkaas ka soo gaadhay.

Sido kale ayaa baabuur lagu jiidhsiiyay dhowr iyo toban qof briijka westminister Bridge. Ninka lagu tuhmayo in u falkan argagaxiso ka dambeeyay ayaa ah nin u dhashay waddankaas hasayeeshe uu boolisku indhaha ku hayay wakhti dheer.

Tirada hadda ku dhimatay weerarkan ayaa ah afar qof. 29 qof ayaa hadda cusbitaalka lagu daaweeynayaa, todoba ka mid ah kuwan ayey xaaladoodu aad u adagtahay.

Ururka argagaxisada ee Daacesh ayaa sheegay in ay ka dambeeyeen falkaas argagaxiso.

Dhanka kale ayaa maanta magaalada Antwerpen ee waddanka Belgium lagu qabtay nin baabuur la galay meel suuq ah. Waxaa lagu tuhunsanyahay in uu isku dayay in falu eeg kii magaalada london in uu sameeyo.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".