Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Centerpartiet oo ka soo horjeestay in cashuurta la kordhiyo

Publicerat torsdag 23 mars kl 16.48
Åslin: Cashuurta in la kordhiyo ayaan ka baqaynaa.
(2:00 min)
Per Åsling, af-hayeenka siyaasadda canshuuraha ee xisbiga Center-ka.
Per Åsling, af-hayeenka siyaasadda canshuuraha ee xisbiga Center-ka. Foto: CHRISTINE OLSSON / TT

Xisbiga centerpartiet ayaa go’aamiyay istraatiijayad cusub oo dhinaca cashuurta ah taasoo laga yaabo inay wiiqdo hindisaha miisaaniyadda dhaqaalaha ee xukuumadda.

Tani ayaa ka dambaysay xukuumadda oo soo jeedisay hindise lagu kordhinayo cashuuraha laga qaado dadka dakhligoodu sarreeyo iyo shirkadaha yaryar ee aan shaqaalaha badan lahayn.

Per Åsling oo xisbiga centerpartiet u qaabilsan siyaasadda cashuuraha oo arrintan ka hadlaya ayaa yidhi.

- Waxaa aan ka cabsi qabnaa in xukuumaddu cashuur kordhintana ku isticmaasho qorshaha miisaaniyadda sannadka, taasina waa mid waddanka wax u dhimaysa, waana arrin aan la aqbali karayn, ayuu yidhi Per Åsling.


Dhinaca kale xisbiga xagjirka ah Sverigedemokraterna ayaa isaguna qaba inaan cashuurta lagu kordhin dadka dakhligoodu sarreeyo, hase yeeshee Per Åsling ayaa tilmaamay inaanu xisbigiisu garab siyaasadeed ka doonaynin Sverigedemokraterna, sida uu sameeyay xisbiga Moderaterna oo isagu hore u sheegay inuu la shaqayn doono Sverigedemokraterna.

Xisbiga Moderaterna ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xisbiga Centerpartiet kala hadlo siyaasadda ku aaddan cashuuraha, iyagoo sheegay in laga yaabo in arrintan ay wada shaqayn ka yeeshaan mustaqbalka.

Xisbiga haddaba talada haya ee Socialdemokraterna ayaa xisbiga Centerpartiet ku eedeeyay inay ay wadaan siyaasad gurracan oo qas iyo deganaansha la'aan u horseedda waddanka, sida uu sheegay Fredrik Olovsson oo ah afhayeenka xisbiga u qaabilsan dhinaca cashuuraha.

 

                                       somaliska@sverigesradio.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".