Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Taageerada xisbiga Moderaterna oo hoos u sii dhacaysa

La daabacay fredag 24 mars kl 10.57
Moderaterna; walaac siyaasadeed
(2:46 min)
Tomas Tobé (M), xog-haynta xisbiga Moderaterna.
Tomas Tobé (M), xog-haynta xisbiga Moderaterna. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Xog ururin ay SIFO u samaysay wakaaladda wararka ee Ekot ayaa lagu ogaaay in xisbigu luminayo kalsoonida ay dadku ku qabaan, taasina ay keentay in xisbigu uu iminka gaadhay meeshii ugu hoosaysay

Tomas Tobe waa xoghayaha xisbiga , wuxuuna ka walaacsan yahay xaaladda xisbigu iminka ku sugan yahay.

-Kuma qanacsanin sida iminka xaalku yahay, sannad iyo badh oo keliya ayaana ka hadhsan doorashada soo socota, waana inaan maalin walba ka shaqaynaa sidii aan u soo celin lahayn kalsoonidii ay dadku nagu qabeen, ayuu yidhi Tomas Tobé.

Sannadkii hore xilligan oo kale ayay ahayd markii hoos u dhacu ku bilowday xisbiga Moderaterna, hase ahaatee waxa uu hoos u dhacani si weyn u sii daadegay markaii hoggaaamiyaha xisbiga Anna Kinberg Battra ay shaacisay inay wada shaqayn la samayn doonaan xisbiga xagjirka ah ee Sverigedemokraterna bishii janaayo ee sannadkan.

Xogtan oo looga dan lahaa in lagu ogaado sida ay bulshadu xisbiyada u kala raacsan yihiin ayaa muujinaysa in xisbiga Moderaterna uu iminka hoos ugu soo dhacay boqolkiiba 17,7 iyadoo caddadka tirada doortayaasha uu xisbigu  lumiyay ay kor u gaadhay boqolkiiba 1,6.

Dhinaca kale, xisbiga Centerpartiet ayaa kor u kac weyn ka sameeyay dhinaca tirada doortayaasha iyadoo uu xisbigu gaadhay meeshii abid ugu sarraysay oo ah boqolkiiba 12,8 ee tirada doortayaasha.

Xisbiyada Liberalerna iyo Kristdemokraterna ayaan iyagu wax weyn isbedelin Sidoo kale xisbiyada laysku yidhaahdo Rödgröna ayaan isbedel weyni ku iman, iyadoo uu xisbiga Socialdemokraterna iminka taagan yahay boqolkiiba 27,4.

Xogtan ayaa tilmaantay in Xisbiyada isku tagga ee Alliansen iyo Rödgröna oo iminka talada haya aan wax farqi ahi u dhexayn, marka la eego tirada doortayaasha ee ay kala haystaan.

Tomas Tobé ayaa mar kale tilmaamay inay iminka la gaadhay waqtigii boodhka laga jafi lahaa wada shaqaynta ka dhexaysa xisbiyada wadaagga ee Alliansen si buu yidhi loola yimaado siyaasad ka duwan tan xukuumadda maanta.

Si kastaba ha ahaatee laanta wararka ee Ekot ayaa sheegtay inay jirto dhaleecayn ku wajahan hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna dhexdiisa, taasi oo ay ugu wacan tahay siyaassadda xisbiga oo aan caddayn.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".