Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Kufsi Facebook lagu bandhigay oo maxkamad la soo taagay

La daabacay fredag 24 mars kl 10.48
Olivia:"Waan seexan kari waayey"
(1:15 min)
Sawirkani dhab maaha. Wuxuu meteleya gabadh la kufsanayo.
Sawirkani dhab maaha. Wuxuu meteleya gabadh la kufsanayo. sawir: Junge, Heiko

Maanta ayaa maxkamada Uppsala laga bilaabaya kiis ku saabsan gabadh lugu kufsadaay magaaladaas islamarkaas na fidyoow laga duubay. Kan ayaa dabeetana lagu daabacay aalada Facebook.

Madama uu xeer ilaaliyaha kiiskani gacanta ku dhigin filimkii laga duubay gabadhan wuxuu tuhunkiisa ku saleeynayaa markhaati arkay filimkan habeenkii halkaas lagu shaaciyay. 

Olivia ayaa ka mid ah kuwii filimkan ku arkay Facebook markii gabadha la kufsanayay.

-Xanaaqi aan ka qaaday gabadha lagu soo dhigay Facebook markii la kufsanayey habeenimadan waan ka seexan kari waayey.

Sideed qof. Waa inta maxkamada soo istaagi doonta si ay markhaatiga ku furaan labada nin 18 iyo 21 jirka lagu tuhunsanyahay in ay ka dambeeyeen kufsigan.

Markhaatiyadan ayaa magaalooyin kala duwan ku nool, hasayeeshe 22 bishii Jannayo Facebook ka wada daawanayay gabadhan markii kufsiga loo geeysanayey.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".