Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Laaluush: safaaradda sweden ee Cummaan

Publicerat fredag 24 mars kl 14.42
Laaluush
(1:41 min)
Cummaan, caasimadda dalka Joordan.
Cummaan, caasimadda dalka Joordan. Foto: Henrik Montgomery/TT

Wararka ku saabsan laaluush lagu kala qaatay safaaradda Sweden ay ku leedahay waddanka Jordan oo isasoo taraya.

Waaxda arrimaha dibedda ee Iwiidhan (UD) ayaa sheegtay in wararka arrintan ku saabsan oo ay shaaciyeen telefishanka iyo raadiyaha Iswiidhan ay u qaadanayaaan mid khatar badan leh.

 Wararkan ayaa sheegay in la tuhunsan yahay inuu jiro ka ganacsi laga ganacsado kala hormarinta dadka doonaya inay la midoobaan xubnaha qoysaskooda ee safaaradda  Iswiidhan ay ku leedahay magaalada Cummaan ee dalka Jordan.

 Waaxda ayaa sheegtay inay iminka bilowday inay digniin u dirto dhammaanba laamahooda qaabilsan arrimaha socdaalka, sida ay sheegtay Sofia Karlberg oo ah madaxa waaxda u qaabilasn dhinaca wararka.

 - Ma ahan mid aan gebi ahaanba meesha ka saari karno in arrintan oo kale ay meelo kalena ka dhici karto, sidaas awgeedna waxaanu si adag ugu  wargelinaynaa ugana digaynaa dhammaanba safaaradaha ku howllan arrimaha socdaalka, maadaama ay soo baxeen warar sheegaya in qof sheeganaya  inuu ka mid yahay shaqaalaha safaaraaddayada ee cummaan uu lacag laaluush ah qaatay.  

 

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".