Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Kronåsens industriområde med kraftig rökutveckling som följd.
(Publicerat idag kl 15.48)
Dab ka kacay nawaaxiga Kronåsen ee Sollentuna. Daaqadaha iyo albaabada in la xirto ayaa la is fareyaa.

Kulanka magaalada Karlstad uga socda xisbiga Moderaterna

La daabacay fredag 24 mars kl 15.56
Abshir: Jago uu siyaasi culus uga horreeyay ayaa loo dhiibey
(4:33 min)
Abshir Osman. Foto: Kasim Abdulkadir/Sveriges Radio.
Abshir Osman (M) sawir: Kasim Abdulkadir/Sveriges Radio.

Xisbiga Modaraterna oo uu saaka kulan loogu magac-darey ”Sverige möte – kulankii Sweden u bilowday, kulankaasina oo ey ka soo qayb galaan xubnaha xisbiga ee degmooyinka iyo gobollada Sweden guud ahaan.

Abshir Maxamed Cismaan, xubinna ka ah xisbiga Moderaterna (M) ee gobolka Södermanland, gaar ahaan magaalada Eskilstuna oo goob joog ku ah kulanka ayaa sheegay inuu kulankani yahay mid ka duwan kullammada go’aannada lagu gaaro ee kuwa aan caadiga aheyn iyo kulan-weynaha xisbiga, balse uu yahay kulan wada-xaajood iyo mid fikirrada la isku dhaafsado, sida uu hadalka u dhigay: 

Wixii ka dambeeyay bishii jannaayo ee sannadkan 2017 oo ay hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Anna Kinberg Batra ay xisbiga u jaheeysay dhabba cusub  iyadoona uu xisbigeedu albaabbadii wada-xaajoodka u furay xisbiga midigta fog ee Sverigedemokraterna ayay aad hoos ugu dhacday taageeradii bulshada ee xisbiga M, saadaalntii ugu dambeeysayna qeexday inuu xisbigu hoos u dhacay kaalintii saddexaad ee dhumucda xisbiyada.

Abshir Maxamed Cismaan ayaa middaa ku macneeyay in hoggaamiyaha xisbiga Moderaterna Anna Kinberg Batra ay kursiga kala wareegtay hoggaamiye culus, Fredrik Reinfeldt oo jagada isaga degay kadib doorashdii dalka ka dhacday 2014 oo xisbigiisu oo waagaa hoggaanka hayay ku guul-darreeystay. Jagadaasina oo ay ku adkaatay inay buuxiso Anna Kinberg Batra:

Abshir Maxamed Cismaan, oo ka tirsan xubnaha xisbiga Moderaterna ee gobolka Södermanland, gaar ahaan magaalada Eskilstuna, isla-markaana ka qayb-gelaya kulanka xisbiga uga furmay maanta oo jimce ah magaalada Karlstad.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".