Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

23 jir ku geeriyooday tababar ciidan

La cusbooneeyay måndag 27 mars kl 10.49
La daabacay måndag 27 mars kl 08.49
Waxaa lagu howl jiraa sababta shilku u dhacay
(2:15 min)
Mid ka mid ah taangiyada ciidammada qalabka sida.
Mid ka mid ah taangiyada ciidammada qalabka sida. sawir: Jesper Sundstrom/Forsvarsmakten

Darawalkii waday gaari ciidammo tababar ciidan ka waday dibadda nawaaxiga Boden ayaa xalay ku geeriyooday kadib gaarigii uu saarnaa oo uu baraf la goay, sida ay shaaca ka qaaday wasaaradda difaaca dalka Sweden arroor-nimadii saaka 05:30.

Wasaaradda difaaca oo shir jaraa’id saaka 7:30 soo ban-dhigtay.

Shilkana oo dhacay saacaddu kolkay ahayd 22:30 fiid-nimadii axaddii shalay ayuu gaariga ciidanku uu baraf kula dillaacay warta Lule-Altervattnet oo dhanka koonfureed kaga aadan tuulada Brännberg ee degmada Bodens, sida ay qortay laanta wararka ee idaacadda la iska daawado ee SVT Nyheter oo si toos ah u baahisay shirkii-jaraa’id oo ay qabatay wasaaradda difaacu.

- Kooxda xaaladda adag ayaa ku hoowlanayd masiibadaa habeen-nimadii oo dhan, iyagoona halkaa ka qabtay howl geesi-nimo leh, sida uu sheegay Mikael Frisell, madaxa qaybta milateriga ee waqooyiga.

Iyada oo dhanka kale ay wada-shaqeeyn wacan dhex-martay ciidanka ammaanka, ciidanka badbaadada iyo ciidanka gaashaan-dhigga ee goobta ku sugnaa, sida uu sheegay Mikael Frisell.

Qaraabada wiilka 23-jirka ah ayaa afartii habeen-nimo lagu war-geliyay masiibadaa.

Waxaa xoogga la isugu geeyey howshii badbaadada iyo xaaladda adag iyo sidii horay loogu socon lahaa.

- Laba dareewal ayaa ku sugnaa gaariga uu barafku la go’ay, 23 jirka ku geeriyooday masiibada iyo nin kale oo laga badbaadiyay, sida uu sheegay Frisell.

Xeerar ayaa jira loo maro iyo in aan gawaarida lagu wadi karin goobaha waraha barafoobey, hase yeeshee waxaan caddayn sababta uu taangigaasi ugu sugnaa goobta, sida uu sheegay Frisell.

Tallaabada labaad ee minka la qaadi doono ayaa ah sidii loo caddeeyn lahaa sababta uu taangigu goobtaa ugu sugnaa. Waxaa sidoo kale howsha lagu ekeeyn doonaa sidii loo gacan siin lahaa shaqaalaha iyo qaraabada wiilka geeriyooday, sida uu sheegay Frisell.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".