Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

244 kun shaqo oo ay buuxiyeen dad dalkaan dibaddiisa ku dhashey

La daabacay måndag 27 mars kl 12.40
Xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen.
Xafiiska shaqada ee Arbetsförmedlingen. sawir: Maja Suslin/TT

Dadka dalkaan dibaddiisa ku dhashey ayaa hadda si xawli ah u buuxinaya  shaqooyinka cusub ee dalkaan Sweden ka banaan.

Sidaas ayaa waxaa lagu ogaadey baaritaan tirakoob ee uu sameeyey talefishinka dalkaan ee SVT.

Warbixintaan ayaa caddeysey in haddii shaqaalahaan cusubi aysan goobahaas shaqo buuxin laheyn uu dalkaan Sweden dhaqaalihiisu la kulmi lahaa dhibaatooyin xoog leh.

Dhaqaalaha dalkaan Sweden ayaa noqdey mid abuurey shaqooyin kala duwan oo aad iyo aad u farabadan.

Shaqaalaha dalkaan ayaa tobankii sanno ee la soo dhaafey waxaa ku siyaadey 244.000 oo qof kuwaas oo qiyaastii badankoodu ah dad dalkaan Sweden dibaddiisa ku dhashey, sida ka muuqata warbixin tirkoob oo uu xafiiska qorsheynta dalkaani ka sameeyey intii u dhexeysey sanooyinkii 2008-dii ilaa iyo 2016-kii.

Dad badan oo dhashey afartameeyadii qarnigii la soo dhaafey ayaa waxay galeen hawlgab, waxaana boosaskoodii shaqo buuxiyey dad ku dhashey dalkaan Sweden dibaddiisa.

Shaqaalaha dalkaan gudihiisa ku dhashey ayaa waxaa isla muddadaas iska dhimey dad gaaraya 166.000 oo qof meesha dhanka kale ay 400.000 oo qof oo dalkaan dibaddiisa ku dhalatey ay shaqaalaha ku biireen.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".