Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bandhig bogeed meelaha taageerada looga baahan yahay

La daabacay måndag 27 mars kl 15.29
Baahida biyaha,cuntada iyo cisbitaalada
(2:32 min)
Mahdi Malingur.
Mahdi Malingur. sawir: Muna Ismaaciil/SR

Boga internetka ee Abaaraha.org ayaa loogu talo galay in uu dadka caawinaya ummada ku dhibaateeysan abaaraha Soomaaliya u surtogaliyo in ay ogaadaan meelaha looga baahan yahay caawimada ugu badan.

Mahad Malingur iyo afar dhalinyaro soomaali ah ayaa ka dambeeya bogan halka laga arkii karo qeeybaha amba magaalooyinka tusaale biyo amba daryeel caafimaad u baahan.

Bogan ayaa ku dhisan in ay umadu, cisbitaaladu, ururadu iyo weriyaasha halkaas jooga warbixinada ugu dambeeya soo geliyaan maalin walba.

Sido kale ayuu bogan ku dhisanyahay afar geybood. Kuwan ayaa ah baahida cuntada iyo biyaha, geerida, cuduro dilacay iyo ururada u diyaar ah in ay gacan caawimaad ah siiyaan dadka dhibaateeysan.

Wuxuu rajeeynaya in uu bogani mustaqbalka caawiyo heeyadaha soomaaliya hadii abaartani soo laabato amba cuduro khatar ah ka dilaacaan waddanka.

-Waxaa loo isticmaali karaa waxyaabo intaas ka duwan. Birri waxaa iman karaa daad, cuduro ayaa dilaaci karaa.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".