Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Shaki laga qabo tallaalka MPR

La daabacay tisdag 28 mars kl 08.41
Warka si hoose ayaa la isugu gudbiyaa
(6:45 min)
Asli Ali Kulane, Asha Jamac iyo Karin.
Asli Ali Kulane, Asha Jamac iyo Karin. sawir: Sawirle: Kenadid Mohamed /SR

Toddobaadyadii ugu dambeeyey waxaa magaalada Stockholm la hadal hayey in nawaaxiga Järva laga heley tobaneeyo ruux cudurka faafa ee jadeecadda, middaasina oo ay ugu wacan tahay tallaalka dhallaanka ee cudurka jadeecada oo hooseeya.

Guud ahaan baaxadda dalka ayaa cudurka jadeecada laga talaallaalaa tiro kor u dhaafeeysa 97%, dhallaanka ku dhaqan, halka tiradaasi aad uga hooseeyso xaafadaha dhaca nawaaxiga Järva oo gaarsii-san 70%. Middaasina oo macnaheedu tahay in saddex daloolow mid aan dhallaanka nawaaxigaa ku dhaqan laga tallaalin cudurka jadeecada.

Asli Cali Kulane waa dhakhtarad cilmi-baare ka howl-gasha machadka Karoliniska. Asli Cali Kulane iyo kooxda ay wada shaqeeyaan ayaa baaris ku sameeyay la xiriira heerka tallaalka gaar ahaan nawaaxiga Järva iyo guud ahaan dalka. Asli Cali Kulane oo amuurtaa nooga waraanta waxay tiri:

Waana midda dhalisay iney 3 howl-wadeen oo ka socda hayadda caafimaadka bulshada "Folkhälsomyndigheten" ay booqasho ku yimaadaan kullan-sannadeedkii ururka daladda ururrada Soomaaliyeed ee ka dhacay xaafadda Kista sabtidii iyo axaddii ina dhaaftay iyaga oo ka faa'iideeysanaya xubnaha ururrada kala duwan ee ka soo baqoolay dalka baaxaddiisa sidii ey ula qeyb-san lahaayeen cilmi-baaristaa uguna bogaadin lahaayeen wada-shaqeeyn ey arrinkaa ka yeeshaan sidii waalidka soomaalida loogu war-gelin lahaa.

Xaaladdan ah shakiga ey waalidiinta soomaalidu ka qabaan talaallada gaar ahaanna tallaalka jadeecadda ayay ugu wacan tahay maqaal sannadkii 1998 la daabacay, kaasina oo sheegayay in tallaalka jadeecada laga qaado cudurka Autisam-ka. Midkaasina oo dib loo beeniyay. Waagaasina oo waalidiin iswiidhish ah qudhooda shaki geliyay, hase yeeshee laga wacyi geliyey. Balse ey waalidka soomaalidu ku jiraan marxaladdii laga soo gudbey:

Baarista ayaa sidoo kale waxaa ku caddaatay in tallaabada ah inaan dhallaanka laga tallaalin cudurka jadeecadda ay tahay mid u qaas ah soomaalida ku dhaqan nawaaxiga Järva oo aaney la qabin soomaalida ku dhaqan qaybaha kale, sida ay sheegtay Asli Cali Kulane:

War-faafinta dumarka

War-faafin gaar ah oo ka duwan war-baahinta kale miyaa haddaba ka aloosan xaafadaha dhaca nawaaxiga Järva?. Su'aashaa mar ay ka jawaabaysay Asli Cali Kulane ayay sheegtay:

Asha Jaamac oo sidoo kale ka howl-gasha hayadda caafimaadka bulshada waxay qayb ka tahay mashruuc biloowday sannadkii 2015 soconna doonna illaa iyo gabagabada sannadkan aynu ku jirno. Mashruucaasina oo looga gol leeyahay sidii loogu war-gelin lahaa waalidiinta soomaalida arrimmaha la xiriira tallaalka, iyada oo loo marayo casharro siin iyo filim ku hadlaya luuqadda soomaaliga, oo sharraxaya nidaamka tallaallada dhallaanka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min Lista".