Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Turkiya oo raad raac ku sameeysay muwaadiniin Iswiidhish ah

La daabacay tisdag 28 mars kl 14.20
Ciidamada sirdoonka:"Dawladaha kale ma baadhi karaan muwaadiniin Iswiidhish ah"
(2:26 min)
Rai`ssal wassaaraha waddanka Turkiya Recep Tayyip Erdogan.
Rai`ssal wassaaraha waddanka Turkiya Recep Tayyip Erdogan. sawir: Yasin Bulbul

Dawladda Turkiya ayaa raad raac sharci darro ah ku sameeysay turkida Iswiidhan ku nool ee taageersan kooxda loo yaqaano Gülen.

Madaxa kooxdan ayaa ah wadaad dalka Mareykanka masaafuris ku jooga laguna magacaabo Fathullah Gülen, kaas oo isaga iyo kooxdiisa labadaba lagu edeeyey in ay ka danbeeyeen afganbigii milatari ee Turkiya ka dhacay xagaagi ina soo dhaafay.

In ay dawladda Turkiya raad raac ku sameeysay muwaadiniin Iswiidhish ah ayey cidamada sirdoonka dalkan, Säpo, u aragta sharci darro.

Mid ka mid ah dadka Iswiidhan ka raadiyay Turki taageersan kooxda Gülen ayaa ah Özer Eken oo guddoomiye ka ah urur wadashaqeeyn dhow la leh xisbiga AKP ahna xisbiga uu ka tirsan yahay ra´iisal wasaare Recep Tayip Erdogan ee hadda hogaamisa Turkiya.

Cod laga duubay Özer Eken ayaa laga maqli karaa in uu sidan sheegay:

-Haddii aad dawladda Turkiya ka caawisid maclumaadkan adigana waa lagu caawin.

Özer Eken iyo ra´iisal wassaare Recep Tayip Erdogan ayey saxibtinimo ka dhaxeeysa, waa sida ay warbixinta soo gaadhay l´aanta Ekot sheegayso.

Sido kale ayaa codkan laga maqli karaa Özer Eken oo u hanjabaya qof turki ah oo Iswiidhan ku nool.

-Waa in aad noo sheegtid dadka taageersan Gülen, hadii kale weey ku dhamaan doonta.

Maaha markii ugu horreeysay ay dawladda Turkiya raad raac ku sameeyso turkida qurbaha jooga. Tusaalahan ayaa arrimo noocan oo kale laga arkay dhowr waddan oo ka tirsan Yurub sida Jarmalka.

Markii la weeydiiyay Lisa Simonsson oo ka hawlgasha ciidamada sirdoonka ee Säpo in la ogol yahay in waddan kale amba dawladd kale sidan u baadho muwaadiniin Iswiidhish ah ayey tidhi:

-Maya lama ogola, waa arrin sharci darro ah. Warbixinta hadda na soo gaadhay waxaanu rabna in aanu sii baadhno, ayey Lisa Simonsoon sheegtay.

 

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".