Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Lacag dheeri ah oo loo qoondeeyey rugaha dumarku ku dhalaan

La daabacay tisdag 28 mars kl 12.00
Rugaha haweenku ku dhallaan oo lacaga dheeraad ah loo cayimey
(1:26 min)
Dawladda dalkaan iyo xisbiga Vänster-ka ayaa horey isla meel dhigey in kharashaad dheeraad ah loo qoondeeyo guud ahaan caafimaadka haweenka.
Dawladda dalkaan iyo xisbiga Vänster-ka ayaa horey isla meel dhigey in kharashaad dheeraad ah loo qoondeeyo guud ahaan caafimaadka haweenka. sawir: Pontus Lundahl/TT

Miisaaniyadda dalkaan ee xilliga gu’ga soo socda ayaa rugaha haweenku ku dhalaan waxaa loo qoondeeyey lacag dhan 500 oo malyan oo karoon.

Hogaamiyaha xisbiga Vänster-ka Jonas Sjöstedt ayaa isagoo arrinkaan ka hadlaya wuxuu yiri sidan soo socota:

-Waxaan qabaa in arrinkaani yahay war aad iyo aad u farxad badan. Dadka ilmaha dhalayaa waa in ay goobaha ilmaha lagu dhalo ka helaan daryeel iyo qaabilaad wanaagsan, ayuu yiri Hogaamiyaha xisbiga Vänster-ka Jonas Sjöstedt.

Hogaamiyaha xisbiga Vänster-ka ayaa intaas ku darey in lacagtaasi tahay mid aad u badan isla markaasna wada gaari doonta dalkaan Sweden oo dhan.

Ka dib markii canbaareyno xoog leh loo soo jeediyey daryeelka caafimaad ee loo fidiyo haweenka ilmaha dalkaan ku dhala, ayaa wasiirka caafimaadku Gabriel Wikström wuxuu maanta la kulmi doonaa wakiilada toddoba mas’uul oo ka kala socda maamulada caafimaadka heer gobol.

Dawladda dalkaan ka arimisa iyo xisbiga Vänster-ka ayaa horey isla meel dhigey in kharashaad dheeraad ah loo qoondeeyo guud ahaan caafimaadka haweenka iyo gaar ahaan rugaha ay haweenku ilmaha ku dhalaan.

Afar sanno gudohood taas oo laga bilaabayo sanadkii 2016-kii ayaa la isla gartey in sanad walba 400 malyam oo karoon loo qoondeeyo daryeelka haweenka ilma dhala iyo guud ahaan rugaha ay haweenku ilmaha ku dhalaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".