Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Bah Kuhnke oo wareejisey hawshii la dagaalanka xagjirnimada

La daabacay tisdag 28 mars kl 14.58
Calanka madow ee lagu yaqaanno ururka Daacish.
Nin sida calanka madow ee lagu yaqaanno ururka Daacish. sawir: Uncredited

Wasiirka dimoquraadiyadda iyo dhaqanka dalkaan Sweden Alice Bah Kuhnke ayaa sheegtey in wasaaraddeedu maanta laga bilabo aysan dalkaan Sweden mas’uul uga aheyn waxqabadka looga hortagayo la dagaalanka kooxaha xagjirka.

Wasiiradda ayaa go’aankaas ku dhawaaqdey ka dib markii ay ka soo baxdey kulan wasiiradda su’aalo ay ku weydiinayeen guudi hoosaadka baarlamaanka dalkaan u qaabilsan arrimaha dastuurka.

Alice Bah Kuhnke ayaa dhaliilo xoog leh loo soo jeediyey, ka dib markii ay wareysi xagjirka la xiriira siisey barnaamijka Agenda oo ka baxa telefishinka la iska SVT.

Ilaa hadda ma cadda cidda la wareegi doonta hawsha la xiriirta ka hortagga falalka xagjirnimada iyo dhaqancelinta dadka lala xiriirinayo argagixisada.

Si kastaba ha ahaatee dalkaan Sweden ayaa waxaa ka baqooley dhallinyaro badan oo ku biirtey ururo hubeysan oo xagjir ah kuwaas oo ka dagaalamey ama wali ka dagaalamaya dalal ay ka mid yihiin Ciraaq iyo Suuriya.

Sidoo kale waxaa jira tira dad ah oo ku soo laabatey dalkaan Sweden ka dib markii ay intii muddo ah ku maqnaayeen goobahaas si ay uga garab dagaalamaan ururada argagixisada ah ee hubeysan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".