Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Muwaadinad iswiidhish ah oo maydkeeda la xaqiijiyey

La cusbooneeyay onsdag 29 mars kl 11.59
La daabacay onsdag 29 mars kl 07.50
Fridolin: "Boos ballaaran ayay xisbiga ka banneeysay"
(2:09 min)
Zaida Catalàn (MP) oo ka howl-galeeysay Kongo Kinshaasa oo meydkeedii la heley.
Zaida Catalàn. sawir: SÖREN ANDERSSON

Zaida Catalàn, oo u dhalatay dalka Sweden ugana howl-galeeysay hay’adda caalamia ee QM  dalka Koongo Kinshaasa, intii muddo ahna af-duub lagu heystey, ayaa imminka la xaqiijiyey in la diley oo qoorta laga jarey.

Wasaaradda arrimmaha dibadda oo caddeeysay geerida

Geerida Zaida Catalán ayey ka tacsiyadeeyeen madaxa dawladda Sweden iyo hoggaamiyaha ururka caalamiga ee Qarrammada Midoobey. Halka ay wasiirka arrimmaha dibadda Sweden soo jeedisay in maxkamad la hor-keeno ciddii falkan ka dambeeysay.

- Wasaaradda arrimmaha dibadda ayaa sheegtay inay wixii tabarteeda ah ay gacan ka siin doonto hayadda Qarrammada Midoobey howlaha la xiriira geerida Zaida Catalán, sida ay sheegtay Katarina Byrenius Roslund, oo ka howl-gasha waaxda saxaafadda ee wasaaradda arrimmaha dibadda Sweden mar ay u warrameeysay hayadda wararka Sweden ee magaceeda loo soo gaabiyo TT.

Wasiirka wax-barashada Gustav Fridolin (MP) ayaa ku xasuusta kolkii Zaida Catalàn ay heeysay hoggaanka ururka dhallin-yarada ee xisbiga Miljöpartiet, Grön Ungdom sannadihii 2001-2003.

-Waa murugo aad u ballaaran, waxayna xisbiga ka banneeysay boos aad u wayn. Xitaa ma fahmi karo caqabadda uu falkani ku yahay qoyskeeda iyo saaxiibadeed, sida uu sheegay Fridolin oo u warramayay hayadda wararka  Sweden TT.

Maxay adiga kaaga dhignayd Zaida Catalán?

- Qof leh karti aad u ballaaran, awooddeeda isugu geeysa sidii ay caalamka wanaag ugu bedeli lahayd.

Gabadhan ayaa la la'aa illaa wixii ka dambeeyay 12-kii bishii maarso, iyadoona ay wada socdeen muwaadin mareeykan ah oo ey ka wada shaqeeyn jireen hayadda caalamiga ee QM. Hayaddaasina oo gacanta ku haysa baaris dembiyeedyo lagu tuhun-san yahay iney ka dambeeyeen ciidammada difaaca ee dalka Koongo-Kinshaasa. Zaida Catalán ayaa ku geeriyootay da'da 36 jir.

Subaxnimadii shalay ayaa saddex qof oo meyd ah waxaa laga heley goob aan sidaas uga fogeyn goobtii gabadhaan Iswiidhishka ah lagu afduubey.

Saddexdaas qof oo meydka ah ee la heley ayaa mid ka mid ahi waxay noqotey gabdhaan Iswiidhishka ah Zaida Catalàn ee horey dalkaas loogu afduubey meesha labada qof oo kalana noqdeen qof kale oo isna ajnabi ah iyo qof u dhashey dalka Kongo.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".