Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i Skogsbo och räddningsledaren uppmanar alla som befinner sig i området att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på Sveriges Radio P4 Dalarna.
(Publicerat idag kl 17.31)

Maxkamadda sare oo xukun ka riday dacwaddii meherka

La cusbooneeyay onsdag 29 mars kl 15.04
La daabacay onsdag 29 mars kl 12.34
Xeerka Sweden saameeyn ku yeelan maayo meherku
(1:40 min)
Lammaane far-gashi isu xiraya.
Lammaane far-gashi isu xiraya. sawir: Janerik Henriksson/TT

Is-qabsiga la xiriira xeerka meherka Islaamka ayaan ahayn mid ka soconaya dalkan Sweden. Hase yeeshee dalka Sweden uu ka dhaqan geli doono xeerarka dalka u deg-san.

Sidaa waxaa lagu caddeeyay go’aan maanta lagaga dhawaaqay maxkamadda sare, kadib dacwad ay middaa ka gudbisay haweenay u dhalatay dalka Iiraan oo dacwad ku oogtay nin ay kala tageen inuu siiyo meher.

Haweenay u dhalatay dalka Iiraan ayaa dacwad ka oogtay nin ay kala tageen inuu bixiyo meher gaarsii-san 1,5 malyan oo koronka iswiidhishka ah. Ninkaasi oo horay u diiday inuu meherkaa bixiyo ayuu go’aanka maxkamadda sare ku raacay. Lammaanahan ayaa isku guursaday dalka Iiraan horraantoodii iminkana ku dhaqan dalka Sweden, waana midda sababtay inaanu ninku u arag inuu dalkan ka socodo xeerka meherka.

Xeerka islaamiga ee meherka ayaa gabadha xaq u siinaya qiimihii lagu heshiiyey kolka ay labada lammaane kala tagaan, waana nidaam ammaan ee dhaqaale.

Su’aasha maxkamadda sare hor tiilay ayaa la xiriirtay inuu dalkan ka soconayo heshiiskii lagu gaaray dalka Iiraan mise xeerka dalka kolka laga hadleyo labada ruux ee isku guursada dalka Iiraan, hase yeeshee uu furriinkoodu ka dhaco dalka Iiraan. Iyadoona go’aanka maxkamadda sare ka soo baxay hortiis ay maxkamadaha ka hooseeya siyaabo kala duwan ey go’aanno uga gaareen.

Go’aanka maxkamadda sare ayaa dhabba-tus u noqon doona dhammaan lammaaneyaasha muslimiinta ee dalkan ku dhaqan, hase yeeshee horraantoodii isku guursaday waddammo laga isticmaalo xeerka meherka.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".