Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Löfven oo soo dhaweeyey wadahadalada Brexit oo bilowdey

La daabacay onsdag 29 mars kl 14.09
Raysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven.
Raysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven. sawir: Fredrik Sandberg/TT

Maanta ayaa waxaa dhaqangalaya bilaabashada ka bixitaanka boqortooyada Britain ay uga baxeyso ururka midowga Yurub, wuxuuna ka bixitaankaasi qaadan doonaa muddo laba sanadood ah.

Raysal wasaaraha dalkaan Sweden Stefan Löfven ayaa sheegey in uu ka xun yahay in dalka Britain uu ka baxo ururka midowga Yurub, laakiin sidaas oo ay tahay wax wanaagsan in ay tahay in wadahadalada ka bixitaanku ay si rasmi ah u bilowdeen.

Reysal wasaaraha ayaa intaas ku darey in xiriirka dalkaan Sweden iyo boqortooyada Britain uu waligiis ahaan doono mid wanaagsan, wuxuuna yiri isagoo arrinkaas ka hadlaya:

-Waxaan rajeynayaa in wadahadaladaan ka bixitaanka ee u furmey midowga yurub iyo boqortooyada Britain uu noqdo mid mira dhala, horseedna u noqon doona xiriirka ugu fiican oo midowga yurub uu la yeesho Britain.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".