Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Digniin Muhiim ah : Warshad ku gubatey Örnsköldsvik ayaa qiic badani ka baxayaa ee dadka aagaas daganow ka taxadara.

Dowladda oo doonaysa aqoonta oo loo sinnaado

Publicerat torsdag 30 mars kl 10.52
Tacliinta.
(1:52 min)

Dowladda ayaa go’aan ay maanta soo saartay ku dalbatay in baaritaan lagu sameeyo siada ay hay’adaha iskuulladu ugu baahsan yihiin gobolada dalka. Iyadoo Tani ayay dowladdu uga gol leedahay in la baahiyo ha’adaha iskuullada khuseeya, si loo fududeeyo helitaanka waxkbarashada uu qofku doonayo.

Wasiirka waxbarashda, Gustav Fridolin ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in dowladdu xil dheeraad ah iska saarto sidii loo horumarin lahaa tayada waxbarashada loona ilaalin lahaa habsami u socodka goobaha waxbarashada si buu yidhi loo helo jawi wanaagsan oo ay ardaydu wax ku baran karaan.

Inkastoo ay iminkaba jiraan furasado kala duwan oo ay dowladdu ku caawiso iskuullada, sida boodhka iskullada oo taageero siiya iskuullada ay ardaaydu natiijo hoose muujiyaan, ayay haddana lagama maarmaan tahay in dowladdu ay masuuliyad dheeraad ah ka muujiso dhinaca wada shaqaynta iyo hurumarinta iskuullada, ayuu intaas ku wasiirka waxbarashada Gustav Fridolin.

Wasiirka oo la weydiiyay bal in tani macneheedu yahay dowladda toos u maamuli doonta iskuullada ayaa ku jawaabay

-Ha, waa xil-gudasho guud oo ay dowladdu qaadanayso.
Dhinaca kale Gustav fridolin ayaa tilmaamay inay jirto baahi dhinaca macallimiinta ah oo markaa loo baahan yahay inay degmooyinku wada shaqayn ka yeeshaan sidii loo xallin lahaa.

Isku xidhka degmooyinka ee dhinaca waxbarashada ma aha mid cusub, hese yeeshee go’aankan cusub ayaa noqonaya masuuliyadda oo ay qabsanayaan xukuumadda iyo degmooyinku.

 

                      somaliska@sverigesradio.se

Grunden i vår journalistik är trovärdighet och opartiskhet. Sveriges Radio är oberoende i förhållande till politiska, religiösa, ekonomiska, offentliga och privata särintressen.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".