Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Hoos u dhac ku yimid dembiyada lagu guuleysto in laga gun gaaro

La daabacay torsdag 30 mars kl 13.43
Goob uu dembi ka dhacay.
Goob uu dembi ka dhacay. sawir: Johan Nilsson/TT

Sannadkii ina dhaafay ayaa lagu guul-darreeystey wax ka qabadka in ka yar dunuubta la galey, middaasina oo sabab u noqotay in sharciga la hor-keeney dembiyo ka yar.

Qiyaastii 1.51 malyan oo dembiyo la galey ayaa la diiwaan-geliyey sannadkii ina dhaafay, waa tiro yar oo kor u kacday kolka loo barbar dhigo sannadkii ka sii horeeyay, sida ay shaacisay hayadda ka hor-tagga dembiyada ee magaceeda loo soo gaabiyo (Brå).

Dembiyada ugu badan ee kor u kacey ayaa ah khiyaamada iyo dembiyada shakhsiga laga galo. Halka ay kuwa hoosta u dhacay ugu horreeyaan kuwa la xiriira xatooyada, takrifalka iyo muqaadaraadka.

Kolka laga hadleyo dembiyada laga guul gaarey ama la soo gabagabeeyey ayay tiradoodu ka hooseeysaa boqolkiiba hal kolka loo barbar-dhigo sannadkii 2015ka.

Waxaa sidoo kale hoos u dhacay dembiyada shakhsiyaadka laga galo ee laga gun gaarey. Intii lagu guda jiray sannadkii 2016 ayaa laga gun gaarey dembiyada laga galey shakhsiga oo tiradoodu gaarsii-san tahay 194 000, waa tiro hoos u dhacday 10% kolka loo barbar-dhigo 2015.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".