Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Dunuubta dilalka oo sannadihii ugu dambeeyey heer sare ku nagaadey

La daabacay torsdag 30 mars kl 14.16
Goob uu dil ka dhacay oo  baaris lagu hayo.
Boliis ku hoowlan baarista goob uu dil ka dhacay oo baaris lagu hayo. sawir: Johan Nilsson/TT

War-bixin tira-koob ah oo ay soo saartay hayadda ka hor-tagga dembiyada Brå ayaa lagu qeexay iney heer sare mareyaan dembiyada dilalka ee dalka ka dhacey sannadkii 2016.

Sannadkii 2015 ayey aad kor ugu kaceen fal-dembiyeedyada dilalka, 87 sannadihii 2013 iyo 2014 illaa iyo 112 sannadkii 2015. Sannadkii ina dhaafay ayey falalka dilalku gaarsiisnaayeen 106, middaasina oo macnaheedu tahay iney falalkaasi weli taagnaayeen heer sare kolka loo barbar-dhigo toban sannadood hortood.

Labadii sannadood ee ugu dambeeyey ayey tiradaasi gaarsiisneyd heer sare, hase yeeshee waa mid bilaabatay kor u kaceedu sannadkii 2007. Tirada ugu hooseeysa ee falalka dilka ayaa dhacday sannadkii 2012 oo gaarsiisnayd 68.

Dembiyada dilka ee toogashada ayaa kor u kacey sannadihii ugu dambeeyey hase yeeshee xoogey hoos u dhacay sannadkii 2016, 29 illaa 28 boqolkiiba.

Dembiyada dilalka intii u dhexeeysay 2002 illaa 2013

 2002 98

2003 81

2004 102

2005 83

2006 91

2007 111

2008 82

2009 93

2010 91

2011 81 

2012 68

2013 87

2014 87 

2015 112

2016 106

Isha: Brottsförebyggande rådet (Brå)

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".