Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Waa arrin laga murugoodo

La daabacay torsdag 30 mars kl 17.43
Garoonka kubbadda cagta.
Garoonka kubbadda cagta. sawir: Grøtt, Vegard Wivestad

Degmooyinka dabaqadda sare ayaa ugu sarreeya taageerada dhaqaale ee dawladdu siiso ururrada xirfadaha ciyaaraha dhallaanka.

Halka xaafadaha ey ku badan yihiin qooysaska dan-yarta ah ka helaan taageerada ugu hooseeysa.

Su’aashu waxay tahay in dhaqaalaha taageeradu galo halka ugu baahi badan.

Ma jirto meel Sweden kaga badan taageerada dhaqaale ee la geliyo xaafadda Dandryd – degmadaasina oo ey ku dhaqan yihiin qooysaska ugu qanisan. Baaris ay sameeysay hayadda wararka Sweden ee TT magaceeda loo soo gaabiyo ayay ku ogaatay in shanta degmo ee heley taageerada dhaqaale ee ugu badan kolka laga hadleyo xirfadaha ciyaaraha dhallaanka ey ka mid yihiin degmooyinka ugu qanisan dalka.

Afarta ugu horreeyana yihiin (Danderyd, Vellinge, Täby iyo Lomma). Kuwaasina oo ka mid ah tobanka degmo ee bulshooyinka ku nooli ugu dakhliga badan yihiin degmooyinka dalka Sweden.

- Waa in la siiyaa taageero dhaqaale oo dheeri ah dhanka ciyaaraha dhallaanka ku dhaqan xaafadaha dabaqadaha hooseeya, si ay ku helaan suurtagal la mid ah, sida uu sheegay Gabriel Wikström.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".