Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/
Det brinner i en industribyggnad med kraftig rökutveckling som följd och spridningsrisk till närliggande fastigheter. Räddningsledaren uppmanar alla i området att gå inomhus och stänga dörrar, fönster och ventilation. För mer information lyssna på din lokala P4 kanal.
(Publicerat idag kl 12.35)

Qiyaastii 14 000 oo ruux oo la qiimeeyn doono da'dooda

La daabacay fredag 31 mars kl 10.17
Xarun ka mid ah cafiisyada wakaaladda socdaalka.
Xarun ka mid ah cafiisyada wakaaladda socdaalka. sawir: Susanne Lindholm/TT

Wakaaladda baarista dunuubta Rättsmedicinalverket oo bil dabadeed u gudbin doonta wakaaladda socdaalka caddeeyntii ugu horreeysay ee da’da.

-Caddeeynta da’da ayaa muhiimad ku leh howlaha la xiriira dalabka magan-gelyo doon gaar ahaan sidii aan goob loo wada dejin dadyoow qaan-gaar ah iyo dhallaan, sida ay sheegtay Åsa Carlander Hemingway oo ka howl-gasha wakaaladda socdaalka.

Illaa iyo hadda ayaa lagu casumey dadyoow gaarsii-san 1 340 baarista da’dooda, howlahaasina oo loo xil-saarey wakaaladda baarista dunuubta halka ey 1 207 ka mid ahi aqbaleen codsigaasi.

Wakaaladda socdaalka ayaa qiyaaseeysa in sannadka la qiimeeyn doono da’dooda tiro u dhexeeysa 3 000 illaa iyo 14 000 oo ruux.

Howlaha qiimeeynta da’da ayaa ka kooban raajo laga qaado gows-dambeedka iyo jilibka, middaasina oo ey dhakhaatiirtu soo qiimeeyn doonaan.

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".