Du måste aktivera javascript för att sverigesradio.se ska fungera korrekt och för att kunna lyssna på ljud. Har du problem med vår sajt så finns hjälp på http://kundo.se/org/sverigesradio/

Doorashada dalkan iyo ka hor tagga faragelinta dawladaha shisheeye

La daabacay fredag 31 mars kl 11.04
Dalka Ruushka oo tuhun lagu hayo
(1:50 min)
Ra´iissal wasaare Stefan Löfven (S)
sawir: Wiktor Nummelin/TT

Ra´iissal wasaare Stefan Löfven ayaa maanta si wadajir ah kala shiray xisbiyadda mucaaradka iyo ciidamada sirdoonka si looga hor tagi lahaa faragelinta dawladaha shisheeye ay ku yeelan karaan doorashada dalkan ka jirta sannadka dambe.

Tomas Tobe xoghaynta xisbiga Moderaterna ayaa sheegay in ay muhiim tahay in qorshe loo sameeyo si loo ilaalin lahaa amniga doorashada dalkan 2018.

-Waxaa dhici karta in dawlad kale doonayso in ay saameeyso sawirka ay bulshadda iswiidhishka ahi ka haysato siyaasiinta dalkan amba faragelintan loo sameeynayo si natiijada doorashada loo bedelo, ayuu sheegay Tomas Tobe.

Dhanka kale ayuu hogaamiyaha xisbiga Sverigedemokraterna, Jimmie Åkesson, qeeybsaneeyn fikirka in dalka Ruushku xiiso u leeyahay in xisbigiisu ku guuleeysto doorashada sannadka dambe.

-Anagu dawladda Ruushka shaqo kuma lahin, mana ogi natiijada ay ugu jeclaan lahaayeen, ayuu sheegay Jimmie Åkesson.

Sababta uu ra´iissal wassaare Stefan Löfven u qabtay shirkan ayaa ah tuhunka lagu hayyo dawladda Ruushka iyo madaxweeyne Vladimir Putin in ay faragelin ku sameeyeen doorashadii dalka Mareeykanka sannadkii hore halka uu Donald Trump ku guuleeystay.

Sido kale ayaa laga shakisanyahay in Ruuschu ku talo jiro in ay farageliyaan dorashooyinka wadamada Jarmalka iyo Fransiiska ka dhici doona sannadkan.

Ciidamada sirdoonka dalka, Säpo, ayaa gacan caawimaad ah siinaysa dhammaan xisbiyada dalkan si ay uga hor tagaan amba joojiyaan faragelinta dowladaha shisheeye. Tusaalehaan ayaa la baraya si loo ilaaliyo xogta kambyuutarada ku jira.

 

Tiirka saxaafaddeenna waa aaminaad iyo dhexdhexaad-nimo. Idaacadda Sweden waa mid ka madax-bannaan siyaasadda, diinta, dhaqaalaha, danaha howlaha guud iyo kuwa gaarka.
Har du frågor eller förslag gällande våra webbtjänster?

Kontakta gärna Sveriges Radios supportforum där vi besvarar dina frågor vardagar kl. 9-17.

Du hittar dina sparade avsnitt i menyn under "Min lista".